29.5 C
Mogadishu
Wednesday, April 22, 2026

LINDSEY GRAHAM oo u hanjabay Sacuudiga haddii aysan ku biirin dagaalka Iiraan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) — Senator-ka ka tirsan aqalka senate-ka Mareykanka, Lindsey Graham, ayaa Isniintii si adag u weeraray Boqortooyada Sacuudi Carabiya, isagoo ku dhaliilay inaysan weerarin Iiraan, wuxuuna “cawaaqib-xumo” ugu hanjabay waddamada kale ee Khaliijka haddii aysan ku biirin dagaalka ay Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Tehran, kaas oo maamulka Riyadh uu markii horeba kasoo horjeeday in la qaado.

“Sida aan fahamsanahay, Boqortooyadu waxay diidday inay awooddeeda milateri u adeegsato qayb ka mid ah dadaalka lagu soo afjarayo nidaamka argagixisada iyo naxariis-darrada ah ee Iiraan, kaas oo cabsi geliyay gobolka, dilayna 7 qof oo Mareykan ah,” ayuu Graham ku soo qoray bartiisa X (Twitter).

Wuxuu intaas raaciyay weydiin la xiriirta in Mareykanku uu heshiis difaac la galo dal la mid ah Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo aan diyaar u ahayn inuu ka qaybqaato dagaal danta guud ah.

Qoraalka Graham ayaa si dadban u xaqiijinaya xog uu horey sarkaal Mareykan ah u siiyay shabakadda wararka ee Middle East Eye, taas oo ahayd in Riyadh ay ka hor istaagtay Mareykanka inuu saldhigyadeeda dalka gudihiisa ah u adeegsado hawlgalo weerar oo ka dhan ah Iiraan.

Dhanka kale, Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa Isniintii xaqiijiyay in askarigii toddobaad oo Mareykan ah uu u geeriyooday dhaawacyo kasoo gaaray duqeyn ay Iiraan 1-dii Maarso la beegsatay saldhig milateri oo Mareykanku ku leeyahay Sacuudiga. Iiraan ayaa weerartay Saldhigga Cirka ee Prince Sultan iyo sidoo kale qaybta sirdoonka CIA-da ee safaaradda Mareykanka ee caasimadda Riyadh.

Graham ayaa si xooggan uga dhex ololeeyay gudaha Mareykanka sidii loo qaadi lahaa dagaalka Iiraan, kaas oo si rasmi ah u qarxay 28-kii Febraayo. Xogaha ayaa muujinaya in safarkiisii Sacuudiga ee bishii hore uu ahaa isku-day uu ku doonayay in Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan uu ku qanciyo inuu qayb ka noqdo weerarka, arrintaas oo uu Graham xaqiijiyay dhammaadkii toddobaadkii hore mar uu la hadlayay wargeyska The Wall Street Journal.

Hadalka kasoo yeeray Graham ayaa falanqeeyayaashu u arkaan mid saliid ku shubaya dab markii horeba holcayay. Dalalka Khaliijka ayaa ka cabanaya inaysan Mareykanka ka helin gantaallada difaaca hawada (interceptors), waxaana mas’uuliyiinta gobolku ay aad uga careysan yihiin sida maamulka Madaxweyne Trump uu isaga indho-tiray walaacooda dhanka amniga intii ay socotay abaabulka dagaalka.

Danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa wariyeyaasha u sheegay Isniintii in dalkiisu uusan ka qaybqaadan doonin hawlgalo weerar ah oo ka dhan ah Iiraan, in kasta oo uu yahay mid ka mid ah waddamada dhibaatada ugu badan ay kasoo gaartay weerarada aargoosiga ah, isla markaana xiriir dhow la leh Israa’iil.

“Waxaan ka mid ahayn dalalkii sida joogtada ah ugu baaqayay baahida loo qabo wada-xaajood, diblomaasiyad, iyo in xiisadda la dejiyo,” ayuu yiri Jamaal Al-Musharakh oo ku sugnaa magaalada Geneva. “Waxaan si joogto ah u caddeynay in dhulkeena aan loo adeegsan doonin wax weeraro ah oo ka dhan ah Iiraan. Haddana, si cad, si aan cudurdaar lahayn ayaa naloo bartilmaameedsanayaa.”

Kala-fogaansho sii kordhaya

Sacuudi Carabiya iyo waddamada kale ee Khaliijka ayaa olole u galay sidii ay Madaxweyne Donald Trump uga dhaadhicin lahaayeen inuusan dagaal ku qaadin Iiraan, maadaama ay ka cabsi qabeen in weerarada haatan dhacaya ay dusha ka fulaan dalalkooda qaniga ku ah shidaalka.

Si kastaba ha ahaatee, diblomaasiyadda Khaliijka ayaan siinin difaac iyo gaashaan. Imaaraadka, Baxreyn, Kuweyt, iyo Qatar ayaa la kulmay dharbaaxadii ugu cusleyd ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada Iiraan, iyadoo Sacuudiguna uusan ka badbaadin weeraradaas.

“Waxaan rajeynayaa in dalalka Golaha Iskaashiga Khaliijka ay si weyn uga qayb-qaadan doonaan, maadaama dagaalkani uu ka socdo barxaddooda. Haddii aadan diyaar u ahayn inaad milaterigaaga adeegsato hadda, goormaad diyaar u ahaan doontaa?” ayuu yiri Graham isagoo u goodinaya xulafada. Wuxuu raaciyay inuu rajeynayo in go’aankoodu uu isbeddelo, balse haddii kale ay “cawaaqib-xumo” xigi doonto.

Gobolka Khaliijka ayaa aad isaga ilaalinaya inay soo jiitaan weeraro hor leh, gaar ahaan kuwa lala beegsanayo hantida muhiimka ah sida warshadaha sifeynta biyaha badda iyo kaabayaasha tamarta.

Iiraan ayaa si dhab ah u muujisay awoodda ay u leedahay inay fuliso weeraro casri ah oo halis ah. Khubarada ayaa sheegaya in inkastoo Khaliijku uu ka careysan yahay weerarada uga imanaya Tehran, aysan diyaar u ahayn inay galaan dagaal aysan aaminsanayn in Mareykanku uu xaqiijin karo guushiisa.

Xilli colaaddu ay gashay toddobaadkeedii labaad, Jamhuuriyadda Islaamiga ah iyo hay’adaheeda ayaa wali ah kuwa taagan oo aan dumin, iyadoo aysan jirin calaamado muujinaya khilaaf gudaha ah ama kacdoon shacab sidii uu Mareykanku markii hore saadaaliyay.

Axaddii, Golaha Khubarada Iiraan ayaa Mojtaba Khamenei, oo ah wiilka Aayatulaahi Cali Khamenei, ugu dhawaaqay inuu yahay hoggaamiyaha cusub ee ugu sarreeya dalka, taas oo jawaab toos ah u ahayd baaqii Trump ee ahaa in Iiraan ay gabi ahaanba is-dhiibto.

Dagaalkan ayaa durbaba sii xumeynaya xiriirka u dhexeeya Mareykanka iyo dalalka Carabta ee Khaliijka. Madaxweyne Trump ayaa asbuucii hore sheegay in duqeymaha baaxadda leh ee lala beegsaday xulafadiisa ugu qanisan ee gobolka ay ahayd “lama filaankiisii ugu weynaa.”

Sarkaal hore oo ka tirsan sirdoonka Mareykanka ayaa arrintaas ka falceliyay, isagoo u sheegay Middle East Eye in sheegashada madaxweynaha ay tahay wax lala yaabo. “Waa wax la yaab leh,” ayuu yiri sarkaalku.

“Waa sidii in Mareykanku uu hal sano oo dhan qorsheynayay, kuna dhex shaqeynayay xumbo aan xaqiiqada ku dhisnayn. Tani waa wixii Trump looga digay intii uu wada-hadallada la lahaa madaxda Khaliijka, iyo sidoo kale wixii loogu sheegay warbixinnadiisa sirdoon ee uu isagu helayay.”

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News