26.8 C
Mogadishu
Sunday, March 15, 2026

Mareykanka oo billaabay in uu Soomaalida u tarxiilo dal ku yaalla Koonfurta Afrika

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Mbabane (Caasimada Online) — Dowladda Eswatini (oo horay loo oran jiray Swaziland) ayaa Khamiistii xaqiijisay inay la wareegtay afar qof oo dheeraad ah oo laga soo tarxiilay dalka Mareykanka, kuwaas oo ay ku jiraan laba muwaadin oo Soomaali ah.  

Tallaabadan, oo qayb ka ah heshiis muran dhaliyay oo dhexmaray Washington iyo Mbaban,e ayaa si weyn sare ugu qaadeysa walaaca ay qabaan Soomaalida wajaheysa siyaasadaha adag ee socdaalka ee maamulka madaxweyne Donald Trump. 

Afartan qof oo ay sidoo kale ku jiraan hal qof oo u dhashay Suudaan iyo mid u dhashay Tansaaniya, ayaa tirada guud ee dadka laga soo musaafuriyay Mareykanka ee la geeyay boqortooyadan ku taalla koonfurta Afrika ka dhigaysa ugu yaraan 19 qof.

Sida ay xaqiijisay Hay’adda u Dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International, afartan nin ayaa dalkaas la geeyay 11-kii bishan Maarso, waxaana haatan lagu hayaa xabsiga weyn ee sida aadka ah loo ilaaliyo ee Matsapha Correctional Complex, kaas oo ku yaalla agagaarka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee dalkaas.

Xukuumadda Eswatini ayaa sheegtay in dadkan ay ku qaabishay heshiis ay la gashay Washington, isla markaana ay socdaan “wadahadallo xooggan” oo lala yeelanayo dalalkii ay markii hore ka soo jeedeen.

Heshiiskan ayaa noqday tusaalihii ugu caddaa ee muujinaya sida maamulka Madaxweyne Trump uu dalal saddexaad ugu adeegsanayo in lagu hayo ama lagu kala shaandheeyo dadka laga soo eryay Mareykanka, balse aan si toos ah loogu celin karin dalalkooda hooyo.

Eswatini ayaa heshiiskan ku heshay lacag dhan 5.1 milyan oo doolar, iyadoo horayna u qaabishay muwaadiniin laga soo tarxiilay dalalka Vietnam, Cuba, Laos iyo Yemen.

Dhamenyta sharciga TPS

Dhanka Soomaalida, waqtiga uu ku soo beegmay tarxiilkan ayaa ah mid xambaarsan xasaasiyad gaar ah. Maamulka Trump ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah u soo afjaro aqoonsiga Sharciga Badbaadada Kumeel-gaarka ah (TPS) ee la siiyo Soomaalida marka ay saacaddu gaarto 11:59 xilliga habeenimo ee taariikhdu tahay 17-ka Maarso, 2026.

Go’aankan ayaa soo afjaraya barnaamij tobannaan sano u oggolaanayay Soomaalida ku sugan Mareykanka inay si sharci ah ugu noolaadaan, ugana shaqeystaan halkaas sababo la xiriira arrimo bani’aadannimada.

Ogeysiiska rasmiga ah ee xiritaanka barnaamijkan ayaa muujinaya in ilaa 8-dii Diseembar 2025 ay jireen 1,082 qof oo Soomaali ah oo haystay sharciga TPS, halka 1,383 kalena ay codsiyadoodu la sugayay.

Washington ayaa ku doodeysa in Soomaaliya aysan hadda buuxin shuruudihii qaanuuniga ahaa ee lagu bixinayay sharciga TPS. Balse go’aankaas ayaa argagax geliyay jaaliyadda Soomaaliyeed iyo ururrada u dooda xuquuqda soogalootiga, kuwaas oo aaminsan in Soomaaliya ay weli tahay dal aan xasilloonayn oo aan si nabad ah loogu laaban karin.

Arrintan ayaa dhalisay in afar muwaadin oo Soomaali ah iyo laba hay’adood oo u dooda xuquuqda aadanaha ay toddobaadkan dacwad u gudbiyaan maxkamad federaal ah, iyagoo isku dayaya inay is-hortaagaan joojinta sharciga.

Dacwoodayaasha ayaa ku doodaya in go’aanka maamulku uu hareer maray habraacii sharciga ahaa, isla markaana uu salka ku hayo eex iyo midabtakoor ka dhan ah dad gaar ah.

Mareykanka ayaa markii ugu horreysay sharciga TPS siiyay Soomaalida sanadkii 1991-kii kadib burburkii dowladdii dhexe iyo dagaaladii sokeeye ee dalka ka qarxay. In ka badan soddon sano kadib, Soomaaliya ayaa weli la daalaa-dhacaysa amni-darro, dagaallo hubeysan iyo barakac, inkastoo saraakiisha Mareykanku ay ku doodayaan in xaaladdu ay soo hagaagtay si loo joojiyo barnaamijkan.

Siyaasadda Mareykanka lafteeda ayaa muujinaysa is-burin weyn: Ayada oo Waaxda Amniga Gudaha (DHS) ay doonayso in la joojiyo TPS-ka, Waaxda Arrimaha Dibadda (State Department) ayaa weli muwaadiniinta Mareykanka uga digta inay u safraan Soomaaliya, iyadoo sabab uga dhigaysa khataraha isugu jira dambiyada, argagixisada, rabshadaha sokeeye, afduubka iyo adeegyada qunsuliyadda oo aad u xaddidan.

Heshiiska oo muran dhaliyey

Gudaha Eswatini, heshiiskan tarxiilka ayaa dhaliyay caro xooggan oo dhanka sharciga iyo siyaasadda ah.

Qareenada maxalliga ah ee u dooda xuquuqda aadanaha ayaa maxkamad la tiigsaday heshiiska, iyagoo ku dooday inuu yahay mid qarsoodi ah oo sharci-darro ah, balse Maxkamadda Sare ayaa bishii hore tuurtay dacwadaas, taas oo u oggolaatay in barnaamijku sii socdo iyadoo aanu weli damin murankii hareeyay.

Eswatini ayaa ka mid ah ugu yaraan toddoba dal oo Afrikaan ah oo heshiisyo tarxiil la galay xukuumadda Washington.

Dadka naqdiya siyaasaddan ayaa qaba in gacan-gelinta labada muwaadin ee Soomaalida ah ee la geeyay Eswatini ay muujinayso sida ololaha adag ee maamulka Mareykanka uu ku qaaday socdaalka uu u dhaafay in dadka si toos ah loogu celiyo dalalkoodii hooyo, isagoo u xuub-siibtay shabakad heshiisyo mugdi ku jiro oo lala galay dalal saddexaad.

In kasta oo dadkan la tarxiilay ay dhammaysteen xukunnadii xabsiga ee Mareykanka lagu dul riday, qaar ka mid ah raggii horay loo keenay Eswatini ayaa weli ku jira xabsiyada dalkaas, xilli mas’uuliyiintu ay weli wadaxaajoodyo la leeyihiin dalalkooda hooyo.

Masiirka labada nin ee Soomaalida ah ayaan weli caddayn. Balse imaatinkooda dalka Eswatini, xilli ay maalmo kooban uun naga xigaan waqtiga uu dhacayo sharcigii badbaadinayay Soomaalida Mareykanka, ayaa sii xoojinaya hubanti-la’aanta iyo welwelka haatan ragaadiyay bulsho ku tiirsanayd sharciga TPS in ka badan soddon sano.

- Advertisement -

Read more

Local News