26.8 C
Mogadishu
Sunday, March 15, 2026

Maxkamad joojisay go’aankii Trump ee ka dhanka ahaa Soomaalida Mareykanka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Boston (Caasimada Online) — Garsoore ka tirsan maxkamad federaal ah oo ku taalla dalka Mareykanka ayaa Jimcihii si kumeel-gaar ah u hor istaagtay qorshe uu maamulka Madaxweyne Donald Trump toddobaadka soo socda ku joojin lahaa sharciga magangalyada ee oggolaanaya in ku dhowaad 1,100 qof oo Soomaali ah ay si sharci ah ugu noolaadaan, ugana shaqeystaan gudaha Mareykanka.

Garsoore Allison Burroughs, oo fadhigeedu yahay Maxkamadda Degmada ee magaalada Boston, ayaa soo saartay amar dib loogu dhigayo dhaqangalka go’aankii Waaxda Amniga Gudaha (DHS) ee ahaa in la baabi’iyo Sharciga Badbaadada Kumeel Gaarka ah (TPS) ee la siiyo soo-galootiga Soomaaliyeed, kaas oo ku ekaa 17-ka bishan Maarso.

Garsooraha, oo uu xilkan u magacaabay madaxweynihii hore ee Dimoqraadiga ahaa Barack Obama, ayaa daliil ka dhigatay cawaaqib xumada weyn ee dhalan karta haddii aysan hadda tallaabo qaadin oo aysan hakin joojinta TPS-ka inta ay socoto dacwadda ay Soomaalidu gudbiyeen.

“Dacwoodayaashu waxay caddeeyeen in haddii la oggolaado in la soo afjaro aqoonsiga TPS ee Soomaaliya, in ka badan kun qof ay wajihi doonaan khataro aad u culus oo ay ka mid yihiin xarig iyo musaafurin, gacan ka hadal iyo tacaddiyo haddii Soomaaliya lagu celiyo, iyo in si qasab ah looga gooyo xubnaha qoysaskooda,” ayay garsooruhu ku qortay galkeedii maxkamadda.

Waxay si maamul ahaan ah u hakisay taariikhdii uu go’aankaasi dhaqangeli lahaa, iyadoo dejisay jadwal u sahlaya inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga garnaqdo codsiga Soomaalida ee ah in xayiraad waqti dheer ah la saaro tallaabada ay qaadday Waaxda Amniga Gudaha.

Dhanka kale, afhayeen u hadlay Waaxda Amniga Gudaha ayaa bayaan uu soo saaray ku tilmaamay amarka garsoore Burroughs inuu yahay tusaalihii ugu dambeeyay ee garsoorayaal u dhaqmaya sidii dad olole wada, kuwaas oo isku dayaya inay ka hor istaagaan Madaxweyne Trump inuu soo celiyo hufnaanta nidaamka socdaalka sharciga ah ee Mareykanka.

Sharciga TPS ayaa ah barnaamij difaac bani’aadannimo ah oo ka hor istaaga tarxiilka soo-galootiga u qalma, una oggolaada inay shaqeystaan. Intii uu xilka hayay Trump, maamulkiisa wuxuu qaaday tallaabooyin lagu joojinayo barnaamijkan oo laga qaadayo illaa toban waddan, arrintaas oo dhalisay dacwado sharciyeed oo aad u tiro badan.

Amarka garsoore Burroughs ayaa ku soo beegmaya xilli xukuumadda Washington ay weli sugayso in Maxkamadda Sare ee dalka ay go’aan ka gaarto inay meesha ka saari doonto amarro ka soo baxay maxkamadaha hoose, kuwaas oo laba kiis oo kale dowladda uga hor istaagay inay TPS-ka ka qaaddo in ka badan 350,000 oo qof oo u dhashay dalka Haiti iyo ku dhawaad 6,000 oo Suuriyaan ah.

Bishii Janaayo, xoghayaha xilka ka degaysa ee Waaxda Amniga Gudaha Kristi Noem ayaa ku dhawaaqday in sharciga TPS ee Soomaalida uu idlaan doono 17-ka Maarso, iyadoo ku dooday in xaaladda Soomaaliya ay soo hagaagtay, inkastoo ay weli socdaan dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dagaalyahannada Al-Shabaab.

Dacwaddan ayaa waxaa si wadajir ah u gudbiyay afar muwaadin oo Soomaali ah iyo ururrada u dooda xuquuqda soo-galootiga ee kala ah; African Communities Together iyo Partnership for the Advancement of New Americans. Waxay maxkamadda horteeda ka sheegeen in go’aanka maamulku uu hareer maray habraaca sharciga ah, isla markaana uu yahay mid salka ku haya ajande takoor ah oo horay loo sii qorsheeyay.

U doodayaashan ayaa tilmaamay in maamulku uu sharciga uga qaadayo Soomaaliya iyo dalalka kale eex isir naceyb ah oo lala beegsanayo soo-galootiga aan caddaanka ahayn, balse uusan ku salayn qiimeyn dhab ah oo ka tarjumaysa xaaladda waddamadaas. Waxay daliil ahaan u soo bandhigeen hadallo is-daba-joog ah oo uu horay u jeediyay Madaxweyne Trump, kuwaas oo uu Soomaalida ugu sifeeyay inay yihiin “qashin” iyo dad “garaadkoodu aad u hooseeyo.”

Ramla Sahid, oo ah agaasimaha fulinta ee hay’adda Partnership for the Advancement of New Americans, ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in amarka maxkamadda ee Jimcihii soo baxay uu ka dhigan yahay, inta ay socoto dacwadda sharciga ah, in bulsho sharafteeda iyo lahaanshiyaheeduba ay wajaheen weeraro cunsurinimo iyo xadgudub ah ay haatan yara neefsan karaan.

- Advertisement -

Read more

Local News