Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa beenisay wararka maalmihii ugu dambeeyay si weyn ugu faafay warbaahinta caalamka, kuwaas oo sheegayay in Israa’iil ay saldhig ciidan ka samaysanayso magaalada istaraatiijiga ah ee Berbera.
Wasiirka Arrimaha Dibadda maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa sheegay in aanu jirin wax heshiis militari ah oo labada dhinac dhex maray, isla markaana wararka sheegaya in dhulka Somaliland loo adeegsanayo saldhig ama weerarro ka dhan ah cid kale ay yihiin kuwo aan sal lahayn.
Wararkan ayaa xoog yeeshay kadib markii warbixinno caalami ah ay sheegeen in Israa’iil ay sahaminayso iskaashi amni oo qoto dheer oo ay la yeelato Somaliland, kaas oo suuragal ka dhigi kara joogitaan ciidan ama xarun hawlgallo oo ku taal afka Badda Cas.
Warbixinnadaasi waxay xuseen in Berbera ay Israa’iil siin karto meel dhow oo ay kaga la socoto khataraha ka imanaya Yemen, gaar ahaan weerarrada ay Xiitiyiintu ku hayaan marinnada caalamiga ah ee badda.
Si kastaba, Hargeysa waxay hadda ku adkaysanaysaa in la kala saaro waxa warbaahintu qortay iyo waxa dhab ahaan miiska saaran. Somaliland waxay sheegtay in aanay jirin heshiisyo qarsoodi ah oo militari, isla markaana aan la ansixin wax qorshe ah oo Israa’iil saldhig looga siinayo Berbera.
Hadalka wasiirka arrimaha dibadda ayaa kusoo beegmaya xilli xiriirka u dhexeeya maamulka Somaliland iyo Israa’iil uu galay weji cusub, kadib markii Israa’iil ay dabayaaqadii sanadkii hore noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada maamulka ku yaalla waqooyiga Soomaaliya. Tallaabadaas ayaa horseedday isbeddel siyaasadeed oo weyn, iyadoo dhinaca kale sii xoojisay diidmada dowladda federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro”, ayaa horay u sheegay in Somaliland ay danaynayso heshiisyo ganacsi iyo iskaashi dhaqaale oo ay la gaarto Israa’iil, balse aanu jirin wax saldhig militari ah oo laga wada hadlay. Waxa uu xusay in la filayo maalgelin ku aaddan dhinacyada beeraha, caafimaadka, tiknoolajiyadda iyo kheyraadka dabiiciga ah.
Doodda ku saabsan Berbera ayaa si gaar ah u xasaasi noqotay sababo la xiriira goobta ay ku taallo. Magaalada Berbera waxay ku dhowdahay marinno badeedka ugu muhiimsan caalamka, waxaana sii kordhay muhiimaddeeda istaraatiijiga ah tan iyo markii ay bateen weerarrada Xiitiyiinta ee ka dhanka ah maraakiibta isaga kala goosha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Dekedda Berbera ayaa horeyba u ahayd meel ay ku loollamayaan dano dhaqaale iyo istaraatiiji ah oo waaweyn. Maalgashi shisheeye iyo danaha amni ee ku xeeran ayaa magaalada ka dhigay meel si gaar ah isha loogu hayo, taas oo sii hurisay doodda ku saabsan suurtagalnimada in quwado dibadeed ay ka helaan joogitaan rasmi ah.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid wararka la xiriira suurta-galnimada in Israa’iil saldhig ka hesho Somaliland. Mas’uuliyiinta Muqdisho ayaa dhowr jeer ka digay in dhulka Soomaaliya aan loo adeegsan karin saldhigyo ama hawlgallo ciidan oo dibadeed, iyagoo arrintaas ku tilmaamay mid si toos ah u dhaawacaysa madax-bannaanida iyo midnimada dalka.
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, oo Khamiistii u warramayay telefishinka Al Jazeera, ayaa sheegay in Soomaaliya aysan dooneyn in dhulkeeda lagu soo jiido loolan iyo isku-dhacyo shisheeye, ama loo adeegsado qaab sii wiiqi kara xasilloonida gobolka oo markiisii horeba ahaa mid xasaasi ah.
Wasiir Cali Cumar ayaa hoosta ka xariiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tahay awoodda kaliya ee sharci ahaan dalka ku matali karta heshiisyada amniga iyo kuwa milateri ee caalamiga ah.
Wuxuu intaas raaciyay in wadahadal kasta oo ku saabsan saldhigyo shisheeye oo laga hirgeliyo gudaha Soomaaliya, kaas oo hareermarsan dowladda dhexe, uusan lahayn wax sal ah oo sharci ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna horey u sheegay in Soomaaliya aysan aqbali doonin saldhig ciidan oo Israa’iil ka samaysato Somaliland, isagoo arrintaas ku tilmaamay khatar amni iyo faragelin dhaawici karta xasilloonida gobolka.

