Arusha (Caasimada Online) – Xubnaha Soomaaliya ku metalaya Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika (EALA) oo gaaraya illaa 9 Xildhibaan ayaa maanta lagu dhaariyay magaalada caasimada ah ee Arusha, sida uu shaacyay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania iyo Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), Mudane Ilyaas Cali Hasan oo warsaxaafadeed soo saaray.
Danjiraaha ayaa marka hore u hambalyeeyay guud ahaan dadka Soomaaliyeed, isaga oo xusay in talaabadan ay guul wayn u tahay Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed, maadaama laga soo gudbay caqabado ay wajaheen xubnahan tan iyo markii loo diray magaalada Arusha.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka dowlad ahaan ay ku dadaali doonaan xoojinta xiriirka waddamada ku jira ururka iyo sidii looga faa’iideysan lahaa is-dhexgalka bulshada Bariga Afrika.
“Hambalyo: Waxaa hada lagu Dhaariyey magaalada Arusha, xubnaha dalkeena Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika (EALA), Dowlada Soomaaliya waxaa ka go’an xoojinta Xiriirka, isdhexgalka, iskaashiga, nabada iyo hormarka Bulshada Bariga Afrika iyo guud ahaan Gobolka” ayuu yiri Danjire Ilyaas Cali Xasan.
Waxaa kale oo uu kusii daray oo uu u mahadceliyay madaxda qaranka, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo isagu door weyn ka qaatay dadaallada lagu xoojinayo ka qeybgalka Soomaaliya ee ururka EAC.
“Alhamdulillah, Maanta waa maalin taariikhi weyn iyo guul siyaasadeed u ah Dowlada iyo Shacabka Soomaaliya. Waxaana halkaan uga mahadnaqayaa guud ahaan madaxda qaranka oo ugu horeeyo Madaxweynaha JFS mudane Dr. Hassan Sheikh Mohamud” ayuu mar kale yiri Danjiraha Somalia ee Tanzania.
Soomaaliya ayaa noqotay xubinta siddeedaad ee Ururka Iskaashiga Geeska Afrika (EAC) dabayaaqadii sannadkii 2023, iyadoo dhammaystirtay hannaanka ansixinta horraantii sannadkan. Bishii Oktoobar, Baarlamaanka Federaalku wuxuu doortay sagaal xubnood oo dalka u mataaya EALA, kuwaas oo 5 kamid ah ay yihii rag, halka 4 kalena ay yihiin dumar, waxayna ka yihiin;-
1. Xuseen Xasan Maxamed 2. Fadumo Cabdullaahi 3. Sahra Cali Xasan 4. Cabdisalaam Hadliye 5. Fahma Axmed Nuur 6. Abuukar Mardaadi 7. Feysal Cabdi Rooble 8. Ilhaan Cali Garas 9. Cabdiraxmaan Bashiir Shariif.

