27.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 15, 2026

Trump oo codsi u diray dalal xulufo ah kadib tallaabo weyn oo ay qaaday Iiraan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) — Xulafada iyo la xifaaltamayaasha Mareykanka ayaa si taxaddar iyo gaabis ah uga jawaabay codsi ka yimid Madaxweyne Donald Trump oo ahaa in ay waddamadaasi qaataan mas’uuliyadda ilaalinta iyo sugidda amniga Marinka Hormuz, xilli hanjabaadaha Iiraan ee ka dhanka ah gaadiidka badda ee isaga goosha marinkaas muhiimka ah ay qalalaase ba’an ka dhex abuureen suuqyada caalamka.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa xiriirka bulshada ee Truth Social maalintii Sabtida, ayuu Trump ku sheegay in dalal badan oo ay si gaar ah u saameysay xannibaadda marinkan ay soo diri doonaan maraakiib dagaal, isagoo si gaar ah u magacaabay Shiinaha, Faransiiska, Jabaan, Kuuriyada Koonfureed, Ingiriiska iyo dalal kale oo uusan xusin. Wuxuu xusay in arrintani ay ahayd inay mar walba ahaato dadaal wadajir ah, Mareykankuna uu isku dubaridi doono hawlgalkaas si uu si habsami leh ugu guuleysto.

Marinka Hormuz, oo isku xira Gacanka Faaris iyo badweynta furan, ayaa ah halbowle ganacsi oo aad u xasaasi ah, kaas oo ay marto qiyaastii shan-meelood meel shidaalka adduunka, waxaana bishii isaga goosha ku dhawaad 3,000 oo markab.

Balse weeraro isdaba-joog ah oo lala beegsaday maraakiibta tan iyo markii uu dagaalku qarxay laba toddobaad ka hor, ayaa gabi ahaanba istaajiyay isu-socodkii badda, taas oo dhalisay in sicirka shidaalka caalamka uu cirka isku shareero.

Wareysi khadka taleefanka ah oo uu siiyay NBC News, ayuu Madaxweyne Trump ku adkaystay in dalalkani aysan kaliya ballanqaadin taageero, balse ay u arkaan in hawlgalkani yahay fikrad aad u wanaagsan. Si kastaba ha ahaatee, dalalka uu Trump farta ku fiiqay ayaa jawaabo qabow iyo dib-u-gurasho ka muujiyay baaqiisa.

Xukuumadda Tokyo, oo saaxiib dhow la ah Washington, ayaan si rasmi ah uga jawaabin dalabka. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Japan ayaa u sheegtay warbaahinta maxalliga ah ee NHK in aysan si degdeg ah ciidamo badda ah u diri doonin, iyagoo xusay in go’aan-qaadasho madax-bannaan ay tahay aasaaska siyaasaddooda.

Dowladda Faransiiska, oo madaxweynaheeda Emmanuel Macron uu horay u soo jeediyay suurta-galnimada in la galbiyo maraakiibta, ayaa dhankeeda muujisay in aysan haatan diyaar u ahayn hawlgal toos ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas ayaa sheegtay in maraakiibtooda ku sugan bariga badda Mediterranean-ka ay sii ahaan doonaan kuwo ku jira xaalad “is-difaacid” uun ah.

Dhanka kale, afhayeen u hadlay safaaradda Shiinaha ee Washington ayaa u sheegay CNN in xukuumadda Beijing ay ku baaqayso in si degdeg ah loo joojiyo colaadda, isagoo ka gaabsaday inuu si toos ah uga jawaabo dalabka Trump.

Ingiriiska oo isna ka mid ahaa dalalka la magacaabay, Wasiirka Tamarta Ed Miliband ayaa u sheegay telefishinka Sky News in wadada ugu wanaagsan ee marinka dib loogu furi karo ay tahay in la soo afjaro dagaalka guud, inkastoo uu xusay inay xulafada kala hadlayaan caawinaad suurtagal ah, sida in ay bixiyaan qalabka iskiis u shaqeeya ee miinooyinka badda baara.

Xafiiska madaxtooyada Kuuriyada Koonfureed ayaa iyaguna sheegay inay si taxaddar leh u darsayaan dalabka ka hor inta aysan go’aan gaarin.

Falanqeeyayaasha arrimaha amniga iyo istaraatiijiyadda ayaa aaminsan in aamusnaanta iyo falcelin-yaraanta dalalkan ay muujinayso in uusan jirin isbaheysi caalami ah oo u diyaar ah khamaar milateri.

H.A. Hellyer, oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan machadka Royal United Services Institute (RUSI) ee London, ayaa tilmaamay in Faransiisku uu yahay dalka qura ee laga yaabo inuu taageero uun muujiyo, balse xitaa doorkaasi uu yahay mid daafac ah. Wuxuu ka digay in xitaa haddii isbaheysi la sameeyo, aysan jirin dammaanad qaad badbaado, maadaama miinooyinka, diyaaradaha drones-ka, doonyaha dheereeya iyo gantaalladu ay yihiin halis maalinle ah.

Michael A. Horowitz, oo ah falanqeeye dhanka siyaasadda juquraafiga, ayaa isna xusay in ilaalinta maraakiibtu ay tahay arrin aad u khatar badan. Wuxuu sharaxay in marinka oo ciriiri ah awgiis uu Iiraan fursad u siinayo inay weeraro ka fuliso masaafo aad u dhow.

Si khatarahaas loo xakameeyo, Horowitz ayaa rumeysan in loo baahan yahay in ka badan awood dhanka cirka iyo badda ah, balse loo baahan yahay ciidamo dhulka jooga oo qabsada deegaannada istaraatiijiga ah ee xeebaha.

Trump laftiisa ayaa u muuqday mid qiraya xaqiiqada adag ee goobta dagaalka Sabtidii, isagoo qoray in in kasta oo Mareykanku boqolkiiba boqol burburiyay awooddii milateri ee Iiraan, haddana ay u fududahay xukuumadda Tehran inay soo dirto hal ama labo drone, miino tuurto, ama rido gantaal riddada dhow, si kasta oo loo wiiqayba.

Hadalkan ayaa si weyn uga hor imaanaya hadal uu Jimcihii jeediyay Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth oo iska fududeeyay xannibaadda marinka, isagoo sheegay in aysan ahayn walaac weyn oo laga naxo.

Baaqa uu Trump u diray dalalka Yurub ayaa sidoo kale ku soo beegmaya toddobaad uun kadib markii uu isku dhac diblomaasiyadeed oo xooggan uu dhexmaray Washington iyo qaar ka mid ah xulafadeeda ugu dhow. Trump ayaa si kulul u weeraray Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Keir Starmer, isagoo u sheegay in Mareykanku uusan gobolka uga baahnayn maraakiibta xambaara diyaaradaha ee UK.

Xiisaddan ayaa ka dhalatay kadib markii Starmer uu diiday in saldhigyada Ingiriiska loo adeegsado weeraradii bilowga ahaa ee Iiraan, inkastoo markii dambe uu oggolaaday hawlgalo is-difaacid uun ah. Arrintan ayaa keentay in Trump uu Starmer ku tilmaamo hogaamiye aan dhiirranayn oo uusan ku jirin dhiiggii “Winston Churchill”.

Sidoo kale, markii dowladda Spain ay diidday in diyaaradaha milateriga Mareykanka ay isticmaalaan saldhigyada ay wadajirka u maamulaan ee ku yaalla gobolka Andalusia, Trump ayaa ku hanjabay inuu gabi ahaanba dalkiisa jari doono xiriirka ganacsi ee uu la leeyahay Spain.

- Advertisement -

Read more

Local News