Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta ku dhawaaqay in maamulka gobolka uu bixin doono $288,000 si loogu horumariyo adeegyada waxbarashada, loona dhiso dugsiyo cusub.
Lacagtan ayaa la siin doonaa dugsiyada gobolka sanad dugsiyeedkiiba, iyadoo guddoomiyaha gobolka Banaadir uu sheegay in sanad walba la kordhin doono, si ay ula jaanqaado qorshayaasha lagu dhisayo dugsiyo waaweyn oo cusub.
“Waxaan dhawaan saxiixay lacag ku dhaw saddex boqol kun oo doolar oo loogu talagalay horumarinta dugsiyada waxbarashada gobolka Banaadir sanad dugsiyeedkiiba, taas oo aan sii kordhin doonno, iyadoo ay barbar socon doonaan qorshayaal dhawaan lagu dhisi doono dugsiyo waaweyn,” ayuu yiri guddoomiye Muungaab.
Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu waalidiinta ugu baaqay in ubadkooda ay u diraan dugsiyada waxbarashada, si loo xoojiyo dadaallada lagula dagaallamayo jahliga iyo aqoon la’aanta ka jirta bulshada.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in la fududeeyay helitaanka shahaadada dugsiga dhexe, taas oo markii hore ay ka jireen culeysyo.
Muungaab ayaa waxa uu kula dar-daarmay bahda waxbarashada in si hufan oo cadaalad ah loo qaado imtixaanaadka sanad dugsiyeedka ee nagu soo fooda leh.
Ugu dambeyntiina, Duqa Muqdisho ayaa uga mahadceliyay Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir shaqada wanaagsan ee ay u hayaan bulshada, wuxuuna hoosta ka xariiqay in maamulka gobolka ay hortabin u leedahay horumarinta adeegga waxbarashada, si waalidiinta canshuur bixiyeyaasha ah ay ubadkooda ugu helaan waxbarasho lacag la’aan ah.
Hoos ka daawo muuqaalka

