Dooxa (Caasimada Online) – Magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar ayaa galabta laga maqlay qaraxyo is xig-xigay, iyadoo ciidamada difaaca cirka ee Qatar ay qabteen gantaalo la sheegay in laga soo tuuray dalka Iran.
Sida ay sheegeen ilo amni iyo warbaahinta gudaha, gudaha magaalada ayaa laga maqlay ugu yaraan afar qarax oo kala dambeeyay, mid ka mid ahna uu ahaa mid aad u xooggan, taas oo keentay cabsi iyo jahawareer ku keentay dadka deggan caasimadda.
Qaraxyadan ayaa yimid xilli nidaamka difaaca hawada ee Qatar uu bilaabay inuu ka hortago gantaalo kusoo wajahan magaalada, kuwaas oo sida la sheegay lagu bartilmaameedsanayay goobo muhiim ah oo ku yaalla dalkaas.
Digniin degdeg ah oo loo diray taleefoonnada gacanta ee dadka ku nool Dooxa ayaa lagu wargeliyay inay gudaha guryahooda joogaan, ayna ka fogaadaan goobaha ay dadweynuhu ku badan yihiin, si looga hortago khatar kasta oo ka dhalan karta weerarrada gantaalaha.
Dowladda Qatar ayaa sheegtay in ciidamadeeda difaaca ay si guul leh u qabteen mowjad labaad oo gantaalo ah oo la sheegay in laga soo diray Iran, taas oo timid wax yar kadib weerarkii ugu horreeyay ee galinkii dambe ee maanta.
Wasaaradda Difaaca ee Qatar ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in nidaamka difaaca hawada ee dalka uu si buuxda u shaqeeyay, isla markaana uu ka hortagay gantaalladaas ka hor intaanay gaarin bartilmaameedkooda.
Mas’uuliyiinta Qatar ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ilaa hadda aan la soo sheegin khasaare nafeed ama mid hantiyeed oo ka dhashay qaraxyada laga maqlay caasimadda Dooxa.
Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar ayaa sheegtay in weli ay jirto fursad diblomaasiyadeed oo lagu xallin karo xiisadda sii kordheysa ee gobolka, haddii Iran ay joojiso weerarrada ay ku hayso dalalka gobolka.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar, Majed Al-Ansari ayaa sheegay “in waddanka uu weli aaminsan yahay xal diblomaasiyadeed,” balse ay adkaaneyso in wada-hadal la bilaabo inta ay soconayaan weerarrada gantaalaha ah ee lagu beegsanayo dalalka gobolka.
“Haddii ay joojiyaan weerarrada (Iiraan), markaas waxaan ku heli karnaa waddo aan kaga baxno diblomaasiyadda. Laakiin inta dalkeenna la weerarayo, hadda ma ahan xilligii la dhisi lahaa guddiyo,” ayuu yiri.

