27.8 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Damacii Itoobiya ee badda oo muuqda in uu Soomaaliya uga wareegay Casab

Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Somalia Today) – Dadaalka muddada dheer socday ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ku raadinayey in dalkiisa uu mar kale helo marin badeed ayaa u muuqda mid ka sii durkaya jihadii Soomaaliya, isla markaana si isa soo taraysa ugu jeesanaya xeebaha Badda Cas ee Eritrea.

Dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka socda deegaannada u dhow gobolka Tigray iyo khilaaf sii xoogaysanaya oo u dhexeeya Addis Ababa iyo Asmara ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in dekedda Casab ay noqotay bartilmaameedka cusub ee istaraatiijiga ah ee Itoobiya.

In kasta oo Itoobiya aysan si fagaare ah uga tanaasulin qorshaheedii Soomaaliya, haddana dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed iyo kuwa ammaan ee ugu dambeeyay ayaa tilmaamaya in xudunta loolanku ay u wareegtay dhanka waqooyi.

Albaabkii Soomaaliya oo xirmay

Isbeddelkan ayaa imanaya kadib laba sano oo uu qorshihii Abiy ee dhanka Soomaaliya wajahay caqabado siyaasadeed oo aad u adag.

Heshiiskii is-afgarad ee bishii Janaayo 2024 uu la galay maamulka gooni-isu-taagga raadinaya ee Somaliland—kaas oo dhigayay in Itoobiya la siiyo marin badeed beddelkeedana ay aqoonsi siiso maamulkaas—ayaa dhaliyay qalalaase diblomaasiyadeed oo lixaad leh, iyadoo xukuumadda Muqdisho ay si kulul u cambaaraysay, kuna tilmaantay xadgudub qaawan oo ka dhan ah madax-bannaanideeda.

Dhex-dhexaadin ay dowladda Turkigu hormuud ka ahayd ayaa markii dambe qaboojisay xiisadda, waxaana bishii Diseembar 2024 ay Soomaaliya iyo Itoobiya isku raaceen inay wada-xaajood ka yeeshaan heshiisyo ganacsi.

Heshiisyadaas ayaa ujeeddadoodu ahayd inay Itoobiya, oo ah dal aan bad lahayn, siiyaan marin badeed “la isku halayn karo, ammaan ah, isla markaana waara,” iyadoo si buuxda loo ixtiraamayo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Xiriirka labada dal ayaa sii wanaagsanaaday horraantii sanadka 2025, xilligaas oo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu booqasho ku tagay Itoobiya, Abiy Axmed-na uu isna dhankiisa u safray Muqdisho.

Tani macnaheedu ma aha in gabi ahaanba la xiray galkii Soomaaliya, balse waxay caddaynaysaa in qorshihii hal-dhinaclaha ahaa ee loo marayay Somaliland uu noqday mid maangalkiisu adag yahay.

Khilaafkaas ayaa dhanka kale Soomaaliya ku riixay inay xiriir dhow la yeelato dalalka Masar iyo Ereteriya, kuwaas oo horayba xurguf ugala dhaxaysay Addis Ababa. Bishii Oktoobar 2024, saddexda dal ayaa ku heshiiyay inay xoojiyaan iskaashigooda amni, tallaabadaas oo si weyn loo arkayay in ay kordhinayso cadaadiska goboleed ee saaran dowladda Itoobiya.

Berbera illaa Casab 

Abiy Axmed marnaba kama uusan harin qaddiyadda badda.

Itoobiya ayaa weyday xeebaheeda sanadkii 1993 markii Ereteriya ay gooni-isu-taagtay, taas oo dalka ugu dadka badan qaaradda Afrika ee aan bad lahayn ka dhigtay mid ku tiirsan dalalka deriska ah si uu u helo marin uu kala xiriiro ganacsiga caalamka.

Sanadihii u dambeeyay, Abiy wuxuu arrinta badda u sawirayay inay tahay qaddiyad masiiri ah oo ku xiran jiritaanka qaranka, in kasta oo uu sidoo kale marar badan sheegay in Itoobiya aysan qorsheynayn inay dagaal u gasho Ereteriya si ay arrintaas u xaqiijiso.

Bishii Maarso 2025, wuxuu ku celiyay in xukuumaddiisu aysan wax niyad ah u hayn inay colaad la gasho Ereteriya, isagoo ku adkaystay in arrintaas lagu xalliyo wada-hadal.

Haddana, xiisadda kala dhexaysa xukuumadda Asmara ayaa cirka isku sii shareeraysay. Bishii Febraayo ee sanadkan, Itoobiya ayaa ku eedaysay Ereteriya daandaansi milateri iyo inay taageerto kooxo hubeysan oo ka dhex dagaallama gudaha Itoobiya, eedeyntaas oo ay si buuxda u gaashaanka ugu dhufatay Asmara.

Isla xilligaas, Addis Ababa ayaa xustay inay weli u furan tahay wada-hadallo ku saabsan arrimaha badda, oo ay ku jirto sidii ay Badda Cas uga heli lahaayeen marin u mara dekedda Casab, arrintaas oo hoosta ka xariiqaysa sida Ereteriya ay ugu noqotay laf-dhabarta xisaabaadka istaraatiijiyadeed ee Itoobiya.

Warbixinnadii ugu dambeeyay ayaa sii xoojiyay cabsida laga qabo in Casab, ee aysan ahayn Somaliland, ay haatan tahay furinta ugu halista badan ee ololaha bado-doonka ee Abiy.

Dabayaaqadii bishii hore ayaa la weriyay in hammiga Abiy ee helitaanka marin madax-bannaan oo taga Casab uu sababay dhiillada iyo hub-urursiga ka bilowday xudduudda Ereteriya.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo wata taankiyo iyo hubka culus ayaa lagu soo waramayaa inay dhooban yihiin nawaaxiga gobolka Tigray, halkaas oo xiisado u dhexeeya ciidamada Ereteriya iyo kuwa ismaamulka Tigray ay durba dhaliyeen cabsi weyn oo ah isku-dhac baaxad leh.

Magnus Taylor, oo ah ku-xigeenka agaasimaha Hay’adda Xasaradaha Caalamiga ah (ICG) ee Geeska Afrika, ayaa ka digay in is-mari-waagan uu xambaarsan yahay khatar dhab ah oo horseedi karta gacan-ka-hadal.

“Waxaa jirta suurtagalnimo in la sameeyo khaladaad ama xisaab-xumo,” ayuu yiri. “Xaaladduna way kasii dari kartaa bilaha soo socda.”

U weecashada jihada Waqooyi 

Axmed Cabdi, oo ah falanqeeye fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in shaxda cusub ee soo ifbaxeysa ay muujinayso in Abiy uu haatan u arko Ereteriya waddada ugu fudud, in kasta oo aysan ka khatar yareyn dhanka kale.

“Marka la eego in Casab ay waligeedba ahayd mid usoo jiidasho badan Abiy, iyo in bulshooyinka halkaas ku nool loo arko inay aad ugu dhow yihiin Itoobiya, waxay u muuqataa in Abiy uu go’aansaday in qabsashadeedu ay ka sahlan tahay inuu isku dayo inuu qaato qayb ka mid ah xeebaha Soomaaliya,” ayuu yiri Axmed Cabdi.

Wuxuu xusay in khudbadaha Abiy ay sidoo kale isku dayayeen inay dhisaan marmarsiiyo siyaasadeed oo falkaas cudur-daar looga dhigi karo, xitaa haddii uusan lahayn saldhig sharciyeed oo adag.

“Xitaa haddii uusan lahayn saldhig sharci, Abiy wuxuu ugu yaraan isku dayi karaa inuu abuuro dood shaki gelinaysa gooni-isu-taaggii Casab iyo Ereteriya. Marka la eego hadalladiisa, wuxuu gogol-xaar u sameynayay sidii uu qiil ugu heli lahaa qabsashada Casab. Isagoo wajahaya laba ikhtiyaar oo sharci-darro ah, wuxuu u muuqdaa inuu doortay midka yara sahlan,” ayuu raaciyay falanqeeyaha.

Dooddan ayaa si toos ah u cuskanaysa hadalladii uu Abiy jeediyay bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, xilligaas oo uu baarlamaankiisa u sheegay in aysan jirin wax diiwaan rasmi ah ama go’aan hay’adeed oo dhigaya luminta marin badeedka Itoobiya, isagoo ku dooday in uusan jirin gole wasiirro, baarlamaan, ama hay’ad dadweyne oo si rasmi ah u ansixiyay arrintaas.

Abiy ayaa badda ay Itoobiya ku weyday gooni-isu-taaggii Ereteriya ku tilmaamay “khalad maalin uun la sixi doono.” Hadalladaas ayaa si weyn u argagax-geliyay xukuumadda Ereteriya, waxayna kordhiyeen walaaca laga qabo in Addis Ababa ay isku dayayso inay taariikh horay loo xalliyay ka dhigto cabasho qaran oo mar kale furan.

Soo-jiidashada Casab ma aha mid qarsoon ama ku cusub dhegaha maqlaya. Dagaalkii xudduudda ee 1998-2000 kahor, Itoobiya waxay si weyn ugu tiirsanayd dekedaha Ereteriya, oo ay ku jirto Casab.

Ilaa wixii ka dambeeyay dagaalkaas, ganacsiga Itoobiya ayaa si lixaad leh ugu wareegay dalka Jabuuti. Qiyaastii boqolkiiba 90% ganacsiga Itoobiya ayaa haatan mara Jabuuti, waana ku-tiirsanaansho ay mas’uuliyiintoodu ku tilmaameen mid aad u qaali ah oo aan istaraatiiji ahaan waqti dheer sii jiri karin.

Doodda dhaqaale

Doodda dhaqaale ayaa noqotay udub-dhexaadka farriimaha Abiy ee gudaha dalkiisa.

Bishii Febraayo, wuxuu sheegay in dhaqaalaha Itoobiya la filayo inuu kobco boqolkiiba 10.2 inta lagu jiro sannad-maaliyadeedka 2025-26, xilli dowladdu ay waddo dib-u-habeyn ayna isku dayayso inay soo jiidato maalgashiyo horleh.

Balse cabsi kasta oo laga qabo dagaal lala galo Ereteriya ayaa wiiqi karta yididiiladaas, taas oo eryi karta maalgashadayaasha, hantidii dalkana u weecindoonta dhanka colaadaha xilli Itoobiya ay weli la tacaalayso amni-darro baahsan oo ka jirta gobollo dhowr ah.

Gobol qarka saaran 

Khatarta loolankan ayaa ah mid aad uga sii baaxad weyn marka la eego raadkii ka haray dagaalkii Tigray.

Ereteriya ayaa garab taagnayd ciidamada federaalka Itoobiya intii uu socday dagaalkii dhiigga badani ku daatay ee 2020-2022, balse xiriirka labada xukuumadood ayaa xumaaday kadib markii Asmara laga reebay wada-hadalladii lagu soo afjaray dagaalka bishii Nofembar 2022.

Tan iyo xilligaas, xiisadaha gudaha Tigray iyo xudduudda Ereteriya ayaa si joogto ah u dhalinayay cabsi laga qabo in nidaamkii jilicsanaa ee dagaalka kadib uu soo dumo.

Dagaal cusub oo dhexmara labada dal ayaa saameyntiisu ay ka fidi doontaa xudduudahooda. Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Ganacsiga iyo Horumarinta ayaa xustay in Kanaalka Suweys, oo si toos ah ugu xiran jidka Badda Cas, uu xambaarayay qiyaastii boqolkiiba 12% ilaa 15% ganacsiga adduunka sanadkii 2023.

Marinkan ayaa durba la daalaa-dhacaya cadaadisyo is-huwan oo ka imaanaya dagaalka Suudaan, amni-darrada Soomaaliya, iyo weerarada maraakiibta ee lala xiriiriyo dagaalka Yemen. Xasarad kale oo hubeysan oo ka dillaacda Geeska Afrika ayaa culeys weyn oo horleh ku soo kordhin doonta mid ka mid ah halbowlayaasha ganacsiga adduunka ee ugu muhiimsan.

Marka laga eego dhinaca Soomaaliya, weecashadan ayaa uga dhigan fursad diblomaasiyadeed iyo neef-qaadasho. Qabowga ku yimid xiisaddii Addis Ababa ayaa yareysay khatartii laga qabay isku-dhac toos ah oo dhexmara Muqdisho iyo Addis Ababa.

Balse haddii hammiga badda ee Abiy uu haatan isugu biyo-shubtay Casab, gobolku wuxuu uun ka guurayaa gogol khatar ah isagoo u siqaya mid kale.

Itoobiya kama aanay tanaasulin xiisihii ay u qabtay dekedaha Soomaaliya, laakiin jidkii siyaasadeed ee loo marayay dalkaas ayaa u muuqda mid aad uga ciriirisan sidii uu ahaa sanad ka hor, halka jidka waqooyi ee u jihaysan Ereteriya uu yahay midka xuddunta ah, balse ah mid aad u kacsan oo milatariyeysan.

Ugu dambeyn, khamaarkii Abiy ee dhanka Soomaaliya laga yaabee inuusan weli gabi ahaanba meesha ka bixin, balse hadda uma muuqdo inuu yahay furinta koowaad. Dekedda Casab ayaa u muuqata inay buuxisay booskaas.

- Advertisement -

Read more

Local News