27.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 15, 2026

Shariif iyo Farmaajo oo soo saaray bayaano isku mid ah kadib tallaabo ay qaaday DF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) — Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa cambaareeyay qabashada saddex xubnood oo ka tirsan hoggaanka SOYPA, oo lagu xiray magaalada Muqdisho.

Bayaan uu soo saaray Sheekh Shariif ayaa lagu sheegay in si adag loo cambaareynayo waxa uu ku tilmaamay afduubka Abuubakar Macallin Maxamed, Axmednuur Xasan Cabdi iyo Najiib Cosoble.

Wuxuu ugu baaqay madaxda dowladda in xorriyaddooda si shuruud la’aan ah loogu soo celiyo, isaga oo sheegay in beegsiga dhallinyarada firfircoon ee Muqdisho aanu waxba u tarayn dowladnimo, nabad iyo xasillooni.

Farmaajo, oo isaguna war-saxaafadeed gaar ah soo saaray, ayaa sheegay in qabashada hoggaanka SOYPA ay muujinayso jiho khaldan oo talada dalka loo wado. Wuxuu yiri muwaadiniinta ka hadla halista ku gadaaman midnimada, dowladnimada iyo duruufaha nololeed aan lagu wajihi karin cabsi iyo tacaddi.

Inkastoo saddexda dhallinyaro goor dambe oo xalay ah la sii daayay, hadallada ka soo baxay labada madaxweyne hore ayaa muujinaya walaac sii xoogeysanaya oo ku saabsan habka loola dhaqmayo dhalinyarada siyaasadda ku firfircoon iyo cid kasta oo aragti ka duwan tan dowladda muujisa.

SOYPA waa urur siyaasadeed oo dhalinyaro ah oo muddooyinkii dambe ka dhex muuqday doodaha siyaasadda Muqdisho, gaar ahaan kuwa la xiriira mustaqbalka dalka, dowladnimada iyo hannaanka doorashooyinka.

Qabashada xubnaha ka tirsan hoggaankeeda waxay ku soo beegantay xilli siyaasadda Soomaaliya ay aad u kacsan tahay, iyadoo uu weli taagan yahay muranka ka dhashay wax-ka-beddellada dastuurka iyo jihada doorashooyinka soo socda.

Saddex berri ka hor un ayey aheyd markii Maxkamadda Gobolka Banaadir oo la horgeeyay qaar kamid ah dhalinyarada Bajaajleyda ee Arbacadii lasoo dhaafay lagu xiray Muqdisho ay ugu dambeyn xorriyadooda dib u siisay.

Sayid Cali Cabdullaahi Cabdilafdiif oo loo yaqaano (Saan Miyaa) oo kamid ah darawallada lasii daayay ayaa sheegay in loo haystay dibadbaxii ay uga cabanayeen sare u kaca qiimaha shidaalka.

“Dambiga nalagu haystay waxaa waayay banaanbax aan qabanay oo aan ku ku diideynay qiimaha shidaalka oo kor u kacay, shicibka Soomaaliyeed oo dhib ku qabay dartood ayaan u sameynay” ayuu wareysiga ku yiri yiri Saan Miyaa.

Dhacdooyinkan ayaa sidaas darteed sii xoojiyey dareenka ah in loollanka siyaasadeed ee haatan jira uu si isa soo taraysa u taabanayo dhalinyarada, ururrada siyaasadeed iyo xorriyadda hadalka, inkastoo sii deynta xalay ay wax ka dejisay xiisaddii degdegga ahayd ee ka dhalatay qabashadooda.

- Advertisement -

Read more

Local News