28.1 C
Mogadishu
Friday, April 10, 2026

Khilaafka Xasan iyo Lafta-gareen oo gaaray meel sare iyo K/Galbeed oo hakisay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) – Xiisadda siyaasadeed ee ka dhex aloosan Villa Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa kasii dareysa, iyadoo maanta maamulka Baydhabo uu ku dhawaaqay inuu hakiyay wada-shaqeyntii Dowladda Federaalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu shaaciyay in maamulka uu si rasmi ah u joojiyay wada-shaqeyntii kala dhaxaysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay inay mas’uul ka tahay rabshadaha ka dhacay deegaannada maamulkaas iyo xiisadda sii kordheysa.

Maamulka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ciidamo geysay deegaanno kala duwan oo ka tirsan Koonfur Galbeed, kuwaas oo la sheegay in loo adeegsanayo hurinta dagaallo ka dhan ah maamulkaasi.

“Dowladda Federaalka waxay ciidamo ku soo abaabushay deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo sidoo kale wasiiro ka tirsan xukuumadda Dan-Qaran ay ku lug leeyihiin arrintaan,” ayaa lagu yiri qoraalka Koonfur Galbeed, oo lagu xusay in xukuumadda federaalka ay wax ka jawaab ah ka bixin waysay xiriir ay la sameeyeen.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in falalkaasi ay wiiqayaan xasilloonida siyaasadeed iyo midda amni ee ka jirta deegaannada Koonfur Galbeed, isla markaana ay sii hurinayaan khilaafka u dhexeeya labada dhinac.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo jawaab u ah eedeymaha culus ee uga yimid Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Si kastaba, xiisadda siyaasadeed ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed ayaa sii xoogeysaneysa, iyadoo meelaha qaar ay ka dhacayaan dagaallo toos ah, halka deegaanno kale laga dareemayo abaabul ciidan iyo dhaq-dhaqaaqyo muujinaya suurtagalnimada isku dhacyo hor leh.

Hoos ka daawo muuqaalka

- Advertisement -

Read more

Local News