31.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Iiraan oo maanta weeraradii ugu cuslaa ku qaaday Imaaraadka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dubai (Caasimada Online) — Dekedda iyo xarunta ugu weyn ee kaydka shidaalka ee Imaaraadka Carabta ee Fujairah, iyo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Dubai ayaa la kulmay weeraro horleh oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), xilli xukuumadda Iiraan ay sii waddo beegsiga kaabayaasha gaadiidka iyo shidaalka ee dalalka Khaliijka.

Duulimaadyadii garoonka Dubai ayaa si kumeel-gaar ah loo hakiyay Isniinta maanta ah kadib markii dab uu ka kacay agagaarka garoonka, kaas oo ka dhashay shil la xiriira diyaarad drone ah.

Waa markii saddexaad ee garoonkan, oo ah kan ugu mashquulka badan caalamka dhanka rakaabka caalamiga ah, uu la kulmo shilal noocan ah tan iyo markii uu qarxay dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan.

Duulimaadyo qaar ayaa dib u dhacay, halka kuwo kalena gabi ahaanba la baajiyay, taas oo dhabar-jab ku ah sumcaddii Imaaraadka ee dhanka amniga iyo xasilloonida.

Dhinaca kale, dab xooggan ayaa ka kacay dekedda istaraatiijiga ah iyo aagga warshadaha ee Fujairah, oo ah mid ka mid ah xarumaha ugu weyn ee lagu kaydiyo shidaalka gobolka, kadib weerar lala beegsaday.

Sidoo kale, duqeyn gantaal oo lala beegsaday gaari marayay duleedka caasimadda Abu Dhabi, gaar ahaan deegaanka Al Bahia, ayaa galaafatay nolosha muwaadin u dhashay dalka Falastiin, sida uu xaqiijiyay Xafiiska Warbaahinta ee magaaladaas.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Imaaraadka ayaa sheegtay in nidaamyadooda difaaca hawada ay dhexda ku qabteen oo ay bur-buriyeen lix gantaal oo nooca riddada dheer ah (ballistic missiles) iyo 21 diyaaradood oo drones ah maalintii Isniinta.

Iiraan ayaa ku riday Imaaraadka in ka badan 1,900 oo gantaal iyo drones tan iyo markii uu dagaalku bilowday.

Waaxda tamarta ee dalkaas ayaa iyaduna la kulantay weeraro is-xigxigay. Maalintii Sabtida, diyaarad drone ah ayaa beegsatay markab shidaal qaada, halka Isniintiina ay drone kale ku dhacday xarumaha shidaalka, taas oo sababtay dab weyn.

Dhaq-dhaqaaqii raridda shidaalka ee dekedda Fujairah ayaa in muddo ah la hakiyay si qiimeyn loogu sameeyo khasaaraha ka dhashay weeraradaas.

Muhiimadda Fujairah ayaa salka ku haysa juquraafi ahaan halka ay dhacdo. Waxay ku taallaa xeebta bari ee Imaaraadka, iyadoo soo eegaysa Gacanka Cumaan intii ay ka xigi lahayd Gacanka Faaris (Persian Gulf). Tani waxay ka dhigan tahay in maraakiibtu aysan u baahnayn inay maraan Marinka halista badan ee Hormuz si ay dekeddaas u gaaraan.

Sida uu xaqiijiyay Justin Harper, oo ah tifaftiraha wargeyska CEO Middle East ee fadhigiisu yahay Dubai, goobta ay dekeddani ku taallo ayaa ka dhigaysa mid door “muhiim ah” ka ciyaarta in saadka caalamiga ah ee shidaalku uu sii socdo, xitaa haddii Iiraan ay xirto Marinka Hormuz.

“Haddii xiisadda Iiraan ay carqaladeyso marinkaas ciriiriga ah, Imaaraadku weli wuxuu shidaalkiisa uga dhoofin karaa Fujairah isagoo isticmaalaya dhuumaha shidaalka ee ka yimaada ceelasha Abu Dhabi,” ayuu yiri Harper oo wareysi siiyay BBC.

Matt Stanley, oo ah falanqeeye dhanka shidaalka oo u shaqeeya hay’adda xogta badeecadaha ee Kpler, ayaa isna xusay in magaalada dekedda ah ay tahay meel ku habboon in laga dhaafo Marinka Hormuz.

Wuxuu intaas ku daray in shirkadda shidaalka qaranka Imaaraadka ee ADNOC ay maraakiibteeda xamuulka ku hayso halkaas, iyadoo bixisa shidaalka ceyriin ee tayada sare leh kaas oo ay si weyn u doonayaan iibsadayaasha qaaradda Aasiya.

Stanley ayaa u sheegay in beegsiga Iiraan ee kaydadka shidaalka iyo xarumaha Fujairah uu si cad u muujinayo “jilicsanaanta iyo halista soo wajahan kaabayaasha Khaliijka,” isagoo yiri, “Iiraan waxay doonaysaa inay carqaladeyso qulqulka tamarta adduunka.”

Fujairah waxay ku taallaa waddadii hore ee ganacsiga badda, waxayna aad ugu dhow tahay Hindiya, iyadoo ah barta ugu horreysa ee laga baxo Bariga Dhexe marka loo socdo dalalka Singapore iyo Shiinaha. Dekeddani waxay u adeegtaa sidii xarun weyn oo saadka iyo shidaalka lagu bixiyo, iyadoo biyo iyo cunto siisa maraakiibta xamuulka ee badda ku soo jiray muddo 25 ilaa 30 maalmood ah.

In kasta oo weeraradan lala beegsanayo Dubai iyo qaybaha kale ee dalka ay jiraan, Harper ayaa xusay in bulshada ganacsiga ee halkaas ku sugan ay muujinayaan “adkeysi” lixaad leh.

Maqaayadaha ayaa sameynaya qiimo-dhimisyo si ay dadka dib ugu soo jiitaan, xarumaha laga adeegtana (malls) waxay u muuqdaan kuwo weli mashquul ah. Wuxuu intaas raaciyay in dad badani ay dhayalsadaan awoodda dhabta ah ee Dubai ay uga badbaadi karto hoos-u-dhaca dhaqaale iyo xasaradaha.

Dhanka kale, Wasiiru-dowlaha Imaaraadka Carabta, Lana Nusseibeh, ayaa wareysi ay bixisay toddobaadkii hore ku wacad martay in dalkeedu uu si buuxda uga soo kaban doono saameynta colaaddan, iyadoo ku adkeysatay in dhaqaalaha dalkeedu uu yahay mid xooggan oo adkeysi u leh inuu ka gudbo caqabadaha taagan.

- Advertisement -

Read more

Local News