27.8 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

DF Soomaaliya oo ku dhawaaqday nidaam cusub oo lagu xakameynayo…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay qorshe cusub oo lagu xakameynayo qiimaha shidaalka, kaas oo maalmihii u dambeeyay si weyn ugu kacay gudaha dalka, isla markaana saameyn culus ku yeeshay nolosha shacabka.

Kororka qiimaha shidaalka ayaa si toos ah u taabtay qaybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan gaadiidka, ganacsiga iyo guud ahaan qiimaha maciishada, taas oo sii kordhisay culayska dhaqaale ee saaran muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan oo ka hadlay xaaladdan ayaa sheegay in wasaaraddiisu wado dadaallo lagu dejinayo nidaam hufan oo lagu ogaanayo qiimaha saxda ah ee shidaalka iyo badeecooyinka kale ee muhiimka ah.

Wasiirka ayaa xusay in nidaamkan cusub uu suurtagelin doono in shacabka Soomaaliyeed ay si fudud oo maalinle ah ula socdaan isbeddelka qiimaha, si looga hortago musuqmaasuq iyo sicir-barar aan la xakameyn karin.

“Waxaan diyaarineynaa nidaam qofka Soomaaliga ah uu subax kasta ku ogaan karo qiimaha shidaalka iyo badeecooyinka kale ee gudaha iyo dibadda lagu kala iibsado,” ayuu yiri wasiirka oo wareysi gaar ah siiyay Telefishanka Qaranka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, wuxuu tilmaamay in sababaha ugu waaweyn ee keenay kororka qiimaha shidaalka ay yihiin arrimo caalami ah oo ka baxsan awoodda dowladda, sida isbeddellada suuqyada caalamiga ah iyo xaaladaha siyaasadeed ee dunida.

“Xukuumaddu runtii way ka damqanaysaa dhibaatada shacabka. Waxaan wadnaa dadaallo lagu yareynayo saameynta sicir-bararka, inkastoo xaaladaha caalamiga ahi ay door weyn ku leeyihiin isbeddelka qiimaha,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiir Jamaal.

Ugu dambeyntii, wasiirka ayaa farriin culus u diray ganacsatada Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay inay muujiyaan masuuliyad dheeraad ah, kana fogaadaan ka faa’iidaysiga duruufaha adag ee ay ku sugan yihiin shacabka, si loo ilaaliyo xasilloonida suuqyada iyo danta guud ee bulshada.

- Advertisement -

Read more

Local News