31.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Golaha Mustaqbalka oo taageeraya madaxweyne Lafta-gareen, si uu u qabto…

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa taageeraya Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen, si uu u hirgeliyo qorshihiisa la xiriira doorashooyinka la filayo inuu kaga dhawaaqo magaalada Baydhabo, xilli khilaaf siyaasadeed xooggan uu kala dhexeeyo Villa Soomaaliya.

Wararka laga helayo ilo ku dhow Golaha ayaa sheegaya in Lafta-gareen la filayo inuu ku dhawaaqo qabashada doorasho dadban marka uu gaaro Baydhabo, taas oo muujinaysa isbeddel ku yimid jihada siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed.

Lafta-gareen ayaa loo badinaya inuu haatan ku sugan yahay dalka Itoobiya, oo ciidankeedu nabad-ilaalin u joogo Koonfur Galbeed, isla markaana si dhow ula socda dhaq-dhaqaaqiisa.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabooyin culus, iyadoo gebi ahaanba joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee tagi jiray deegaannada Koonfur Galbeed.

Maanta ayaa sidoo kale waxaa hakad la geliyay duulimaadyada dhowr diyaaradood oo qorshuhu ahaa inay gaaraan magaalada Baydhabo.

Tallaabadan ayaa u muuqata mid sii xoojinaysa xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed, oo maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu hakiyay wada-shaqeyntii uu la lahaa dowladda dhexe.

Markii maamulka Koonfur Galbeed uu ku dhawaaqay go’aankaas, wuxuu Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay mas’uul ka tahay rabshadaha ka dhacay deegaannada maamulkaas iyo xiisadda sii kordheysa.

Maamulka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ciidamo geysay deegaanno kala duwan oo ka tirsan Koonfur Galbeed, kuwaas oo la sheegay in loo adeegsanayo hurinta dagaallo ka dhan ah maamulkaasi.

Si kastaba, Dowladda Federaalka Soomaaliya oo qorsheyneysay qabashada doorashooyin toos ah kaddib dhameystirka Dastuurka ayaa hadda wajahaysa caqabado siyaasadeed oo cusub, maadaama ay sii yaraanayaan maamul-goboleedyada la safan.

Horey Puntland iyo Jubbaland, haatanna Koonfur Galbeed ayay lumisay Villa Soomaaliya, iyadoo si toos ah ugu biirtay maamullada diidan qorshaha doorashada ee uu wado Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa sidoo kale la filayaa in Galmudug ay iyaduna qaadato mowqif la mid ah kan Koonfur Galbeed, maadaama aysan weli si buuxda u soo dhoweyn dhameystirka Dastuurka Federaalka, oo jideynaya muddo-kordhin hal sano ah iyo qabashada doorashooyin qof iyo cod ah.

- Advertisement -

Read more

Local News