28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Lafta-gareen oo iska casilay xilkii uu ka hayay xisbiga madaxweyne Xasan Sheekh

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta ku dhawaaqay in uu gebi ahaanba isaga baxay Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ee JSP,  kaas oo uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Laftagareen ayaa si rasmi ah isaga casilay xubinnimada Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka iyo xilkii uu ka hayay ee guddoomiye ku xigeenka arrimaha Amniga iyo Dowlad-Goboleedayda ee xisbigaas, sida uu sheegay uu sheegay afhayeenka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi.

Afhayeenka oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Baydhaba ayaa warbaahinta la wadaagay go’aanka uu qaatay madaxweynaha, isaga oo akhriyay warsaxaafadeed uu ka saxiixnaa Cabdicasiis Laftagareen oo uu haatan khilaaf xooggan kala dhexeeyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed oo xubin ka ahaa Xisbiga Caddaaladda iyo wadajirka (JSP) Ahna Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Amniga iyo Dowlad-Goboleedyada waxa uu si rasmi ah u shaacinayaa in uu iska casilay xilkaas”. ayuu yiri Afhayeenka Koofur Galbeed.

Is-casilaaddan ayaa timid iyadoo shalay Koonfur Galbeed ay ku dhawaaqday in gebi ahaan ay xiriirkii u jartay Dowladda Federaalka Soomaaliya, go’aankaas oo ay iyaduna cambaareysay xukuumadda Muqdisho.

Go’aankan ayaa uga sii daraya xiisadda labada dhinac oo gaartay meeshii ugu sarreysay, iyadoo sidoo kale garoonka Muqdisho lagu xanibay mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed oo kusii jeeday magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xiisadda labada dhinac oo kusoo aaday xilli xasaasi ah oo ay horay u taagnaayeen khilaafaad kale oo ka dhashay doorashooyinka heer Federaal iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka dhawaan la ansixiyay, kadibna uu saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, xiisadda siyaasadeed ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed ayaa u muuqata mid kasii dareysa iyadoo meelaha qaar ay ka dhacayaan dagaallo toos ah, halka deegaanno kale laga dareemayo abaabul ciidan iyo dhaq-dhaqaaqyo muujinaya suurtagalnimada isku dhacyo hor leh.

- Advertisement -

Read more

Local News