30.2 C
Mogadishu
Tuesday, April 21, 2026

Israa’iil oo shaacisay inay dishay wasiirka sirdoonka Iiraan

Bookmark
Bookmarked

Share

Tel Aviv (Caasimada Online) – Wasiirka Difaaca Israa’iil ayaa maanta oo Arbaco ah sheegay in ciidankoodu ay dileen Wasiirkii Sirdoonka Iiraan, Esmail Khatib.

Dilka Khatib ayaa imanaya xilli Israa’iil ay maalin ka hor u dishay sarkaal sare oo ammaanka Iiraan ah, Ali Larijani iyo madaxii ciidamada iskaa-wax-u-qabsada ee Basij oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka.

Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz oo ku dhawaaqayay dilka Khatib, ayaa yiri: “Lama filaan weyn ayaa la filayaa maalintan oo dhan, dhammaan furimaha dagaalka,” isagoo aan bixin faah-faahin dheeraad ah.

Khatib waxa uu ahaa wadaad Shiico ah oo soo qabtay jagooyin kala duwan oo ka tirsan garsoorka Iiraan iyo Wasaaradda Sirdoonka.

Waxa uu sidoo kale ka tirsanaa Ilaalada Kacaanka xilligii dagaalkii Iiraan iyo Ciraaq ee 1980-meeyadii, halkaas oo uu ku dhaawacmay.

Iiraan si degdeg ah uma aysan xaqiijin dhimashada Khatib, xilli telefishanka dowladda uu si toos ah u tabinayay aaska sarkaalka sare ee ammaanka, Ali Larijani iyo madax kale oo la dilay oo ka tirsanaa Basij, kuwaas oo ka dhacay Tehran.

Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay aaska, iyadoo meydka Larijani iyo wiilkiisa oo isna lagu dilay duqeyn Israa’iil lagu soo bandhigay gaari weyn oo lagu xardhay sawirrada dadka dhintay. Dadka ayaa ruxayay calamada Iiraan intii uu socday aasku.

Markii ay ku dhawaaqayeen dilka Khatib, ciidamada Israa’iil waxay ku tilmaameen Wasaaradda Sirdoonka Iiraan mid leh “awoodo sirdoon oo horumarsan” oo fulisa hawlgallo caalami ah, oo ay ku jiraan kuwa ka dhanka ah Israa’iil.

“Khatib wuxuu door weyn ka ciyaaray cabburinta mudaharaadyadii ka dhacay Iiraan, ha ahaato xarigga iyo dilka banaanbaxayaasha, iyo sidoo kale qaabeynta qiimeynta sirdoonka ee nidaamka,” ayay yiraahdeen ciidamada Israa’iil.

“Sidoo kale, wuxuu gacan adag ku qabtay muwaadiniinta Iiraan intii ay socdeen banaanbaxyadii Mahsa Amini.”

- Advertisement -

Read more

Local News