Washington (Caasimada Online) — Wargeyska The New York Times ayaa daaha ka qaaday in hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad ay dejisay qorshe qarsoodi ah oo ay ku doonaysay inay ku huriso kacdoon shacab, kaas oo horseedi lahaa inuu dumo nidaamka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.
Agaasimaha Mossad, David Barnea, ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu maalmo uun ka hor intii uusan qarxin dagaalka wadajirka ah ee Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan. Barnea ayaa u xaqiijiyay Netanyahu in hay’addiisu ay awood u leedahay inay abaabusho mucaaradka Iiraan si isbeddel loogu sameeyo nidaamka dalkaas.
Sida lagu xusay warbixinta oo soo xiganaysa mas’uuliyiin Mareykan iyo Israa’iiliyiin ah, Barnea ayaa sidoo kale qorshahan u bandhigay saraakiil sare oo Mareykan ah intii uu booqashada ku joogay magaalada Washington bartamihii bishii Janaayo.
Qorshahan ayaa waxaa markiiba qaatay Netanyahu iyo Madaxweyne Donald Trump, inkastoo shaki weyn ay ka muujiyeen qaar ka mid ah saraakiisha sare ee Mareykanka iyo sirdoonka milateriga Israa’iil. Sida ay sheegeen mas’uuliyiintan, Netanyahu ayaa ballanqaadyadii Mossad u adeegsaday inuu madaxweynaha Mareykanka kaga dhaadhiciyo in riditaanka xukuumadda Iiraan ay tahay mid dhab ahaan suurtagal ah.
Asalka qorshahan ayaa ahaa in dagaalka lagu bilaabo khaarajinta madaxda sare ee Iiraan, taas oo ay xigi lahaayeen “tallaabooyin sirdoon oo is-daba joog ah oo loogu talagalay in lagu dhiirrigeliyo in nidaamka la rido.” Mossad ayaa aaminsanayd in arrintani ay dhalin karto kacdoon ballaaran oo guul fure u ah u horseeda Israa’iil iyo Mareykanka.
Markii uu dagaalku bilowday, farriimihii fagaaraha ee Madaxweyne Trump ayaa si cad uga turjumayay qorshahan. Muuqaal siddeed daqiiqo socday ayuu ku yiri: “Ugu dambeyn, dadka weyn ee sharafta leh ee Iiraan, waxaan caawa idiin sheegayaa in saacaddii xorriyaddiina ay dhow dahay… marka aan dhammeyno shaqada, la wareega dowladdiina. Waxay noqon doontaa mid aad idinku leedihiin. Tani waxay u badan tahay inay noqon doonto fursaddiina keliya ee jiilal badan.”
Balse, hadal-hayntii ku aaddanayd in nidaamka la rido ayaa si degdeg ah meesha uga baxday. In ka yar laba toddobaad kadib markii uu dagaalku bilowday, xubno ka tirsan Aqalka Senate-ka Mareykanka oo ka soo baxay kulan warbixin-siin ah oo ku saabsan dagaalka, ayaa sheegay in riditaanka Jamhuuriyadda Islaamiga ah aysan ka mid ahayn yoolalka dagaalka, xaqiiqaduna ay tahay in uusan habayaraatee jirin “wax qorshe ah” oo loo dejiyay howlgalka milateri.
Qiimeynta gaarka ah ee ay hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA ku sameysay xaaladda ayaa ah in maamulka Iiraan aan la ridi doonin. Xaqiiqdii, hay’adda sirdoonka Mareykanka ayaa ka digtay in haddii madaxda Iiraan la laayo, uu awoodda la wareegi doono hoggaan “kasii mayal adag.” Sirdoonka Israa’iil ayaa dhankooda u arka in dowladda Iiraan ay daciiftay balse ay weli dhisantahay.
“Aaminaadda ah in Israa’iil iyo Mareykanka ay gacan ka geysan karaan hurinta kacdoon baahsan waxay ahayd cillad asaas u ah u-diyaar-garowga dagaalka ku fiday Bariga Dhexe,” ayay tiri warbixinta New York Times.
In kasta oo Netanyahu uu weli rajo weyn ka qabo suurta-galnimada in ciidamo lugta ah la geliyo Iiraan, waxaa la sheegay inuu si weyn uga niyad-jabay ballanqaadyadii Mossad ee ahaa in la abuuro kacdoon shacab oo aan waligeed rumoobin.
Sida ay qortay New York Times, Netanyahu ayaa kulan dhanka amniga ah oo la qabtay maalmo kadib markii uu dagaalku bilowday ka sheegay in Trump uu joojin karo dagaalka xilli kasta haddii howlgallada Mossad aysan miro-dhalin.
Ballan-qaadyada Mossad ayaa, sida warbixintu xustay, waxaa si weyn ugu gacan-sayray mas’uuliyiin badan oo Mareykan ah iyo falanqeeyayaal ka tirsan hay’adda sirdoonka milateriga Israa’iil ee Aman.
Madaxda milateriga Mareykanka ayaa Trump u sheegay in shacabka Iiraaniyiintu aysan waddooyinka u soo bixi doonin xilli bambaanooyin ay ku hoobayaan, halka saraakiisha sirdoonkuna ay qiimeeyeen in fursadaha uu ku dhalan karo kacdoon ballaaran ay yihiin kuwo aad u hooseeya.

