29 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

Maxaa ka jira in diyaarad ay leedahay DF ay u gacan gashay Koonfur Galbeed?

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay in diyaarad nooca Helicopterka ah oo ay leeyiihiin Ciidanka Xoogga Dalka ay ku dhacday Koonfur Galbeed, isla markaana uu la wareegay maamulka Laftagareen.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in aysan jirin diyaarad milatari oo ay gacanta ku dhigtay Koonfur Galbeed, isla markaana wararka la faafiyay ay yihiin kuwa been abuur ah, lagana leeyahay ujeedooyin gaar ah.

Dhanka kale, wasiirka amniga Koonfur Galbeed Xasan Cabdulqaadir Maxamed oo la hadlay Shabelle Tv ayaa beeniyay in diyaarad ay leedahay dowladda ay la wareegeen, isaga oo sheegay in warkaasi ay ku arkeen Facebook-yada.

“Waa been ma jirto Facebook-yada iyo Tv-yada qaar waxa ay sheegayaan, ma jirto diyaarad Helicopter ah oo ku degtay Baydhabo” ayuu yiri wasiirku.

Si kastaba, shalay ayay ahayd markii garoonka degmada Waajid lagu rasaaseeyay diyaarad ay leedahay shirkadda Star Airline, taas oo ku ku jirtay marxaladdii ugu dambeysay ee soo degista, isla markaana ku soo dhowaatay hawada degmada Waajid, balse waxaa si lama filaan ah rasaas looga furay gudaha garoonka, taas oo cabsi gelisay duuliyihii iyo shaqaalihii saarnaa diyaaradda.

Duuliyihii diyaaradda ayaa qaatay go’aan degdeg ah oo badbaado ah kadib markii uu dareemay halista jirta, wuxuuna joojiyay qorshihii degista, isaga oo dib ugu laabtay hawada sare si uu uga fogaado khatar kasta oo iman karta.

Diyaaradda ayaa markii dambe ka dhaqaaqday hawada Waajid, iyadoo aan wax fariisasho ah sameyn, taas oo keentay in rakaabkii iyo shaqaalihii saarnaa ay ka badbaadaan xaalad halis ah oo ka dhalan kartay rasaastaasi.

Dhacdooyinkan ayaa uga sii daraya xiisadda ka taagan Koonfur Galbeed oo isku rogtay gacan ka hadal, kadib dagaallo ka dhacay gobolka Baay.

- Advertisement -

Read more

Local News