Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guud laawe) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa xalay kulan xasaasi ah la yeeshay guddoomiyaha maamulla Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), iyaga oo ka wada-hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Kulanka oo ka dhacay hoyga uu caasimada ka dagan yahay madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Dib-u-heshiisiinta Dowladda Hirshabeelle iyo qaar ka mid ah Lataliyeyaasha Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, halka dhanka kalena ay guddoomiye Muungaab wehlinayeen mas’uuliyiin ka tirsan gobolka.
Labada mas’uul ayaa marka hore iska xog wareystay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, maadaama ay sii kordheen culays gudaha ah oo ka dhashay khilaafaadka ka taagan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed
Sidoo kale, labada dhinac ayaa kulankooda ku gorfeeyay arrimo dhowr ah, waxayna kadib kala dhigteen ballan adag, iyaga oo ku ballamay in wadajir looga qeyb-qaato dowlad-dhiska Soomaaliya, si horay loogu sii wado.
Dhanka kale, Madaxweynaha Hirshabelle oo madasha ka hadlay ayaa duqa magaalada Muqdisho uga mahadceliyey booqashada uu ugu yimid, waxana uu kula dardaarmay inuu sii xoojiyo xasiloonida iyo wadajirka caasimada Ummadda Soomaaliyeed.
Muungaab ayaa isaguna dhankiisa sheegay in uu sii wadi doono dadaallada uu wado maamulkiisa, uuna ka shaqeyn doono horumarinta wada shaqeynta labada dhinac, maadaama ay daris yihiin, kana dhexeeyaan arrimo muhiim ah, sida ammaanka iyo la dagaallanka Al-Shabaab.
Maalmo kahor ayay ahayd markii uu guddoomiyaha gobolka Banaadir booqasho ku tegay Shabeellaha Dhexe, isaga oo kormeer ugu tegay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan gobolkaas, si uu u dhiiragaliyo, waxayna ahayd markii labaad oo uu tego halkaasi.
Si kastaba, ha’ahaatee kulankan ayaa dhinaca kale kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla markaana ay doorashooyin isku diyaarinayaan maamullada HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, kuwaas oo aad isha lagu hayo.
Waxaa kale oo sii kordhahaya khilaafaadka ku hor-gudban doorashooyinkan oo durbaba laga dareemay Koonfur Galbeed Soomaaliya oo haatan gashay marxalad dagaal oo ka dhalatay khilaafka soo kala dhexgalay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdicasiis Laft-agareen.


