29.2 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

Taliyihii ciidanka milatariga ee Diinsoor oo xilkii laga qaaday

Bookmark
Bookmarked

Share

Diinsoor (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta xilkii ka qaaday taliyihii ururka 154-aad, guutada 8-aad ee qeybta 60-aad, Aadan Maxamed Nuur (Afey) ee ka howlgala degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka oo wareegto soo saaray ayaa xilkan u magacaabay Mursal Cali Maxamed oo isla ururka kasoo ahaa Abaanduule, wuxuuna hadda la wareegi doonaa guud ahaan taliska.

Isbeddelkan ayaa ku soo beegmaya xilli haatan ay xiisad xooggan u dhexeyso Dowladda Federaalka iyo Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed, taas oo gaartay meeshii ugu xumeyd, maadaama ay socdaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Tallaabadan aya waxaa ka horreysay mid kale oo ay shalay Dowladda Federaalka Soomaaliya maamul cusub ugu magacawday degmada Waajid ee gobolka Bakool ee gobolka Bakool oo ka tirsan Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Warqadda magacaabista oo uu ku saxiixan yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in magacaabista xubnahaas ay timid kaddib baahi loo arkay in dib u habeyn lagu sameeyo maamulka degmada Waajid, si loo xoojiyo maamulka iyo hannaanka dowladnimada ee degmada.

Mas’uuliyiinta la magacaabay ayaa kala ah: Xasan Cabdi Isaaq (Bootoolo) oo loo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Waajid, Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed (Jugle) oo loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Amniga iyo Siyaasadda, Aadan Cali Kulow oo loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Arrimaha Bulshada, iyo Ayaanle Cabdi Dhuux Yare oo loo magacaabay Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Waajid.

Si kastaba, xaaladda ayaa u muuqata mid faraha kasii baxeysa, lamana oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta.

- Advertisement -

Read more

Local News