Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa u jawaabay madaxweynihii 9-aad ee dalka Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), isaga oo uu digay inuu farageliyo arrimaha maamul ee ka taagan Koonfur Galbeed, gaar ahaan khilaafka culus ee ka dhashay hannaanka loo wajahayo doorashada maamulkaas.
Wasiir Jaamac ayaa qoraalkiisa ku xusay in Farmaajo uu mar kale damac uga jiro inuu cod ka helo xildhibaanno laga soo xulo Koonfur Galbeed, sidii horay u dhacday oo kale, waxaase uu tilmaamay in taasi aysan dhici doonin, wuxuuna ugu baaqay inuu isaga haro arrimaha maamulka, gaar ahaan Cabdicasiis Lafta-gareen.
“Farmaajoow Duqaas Xildhibaano uu kaaga soo qorey KGS Madaxweyne ku noqon meysid idanka Ilaahey, waa calaalal tima ka soo baxeen ee Carabku yuu kaa qalalin” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur.
Sidoo kale wuxuu intaas kusii daray :Tiitiinkaad noo abuutey waa iska siibeynaa maalmah soo socdo. Inshalah”.
Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa horay u sheegay in xukuumadda uu ka tirsan yahay aysan duulaan ku ahayn Koonfur Galbeed, balse xiisadda taagan ay ka dhalatay rabitaanka dadka deegaanka oo doonaya doorasho xalaal ah.
“Nin daad qaadey xumbo cuskey, Koofur Galbeed qabiil kale oo duulaan ku ah ma jiro ee anagaa is heysanee xukunka dhiiga aad ku raadineysaan Dhulka soo dhiga, Derbi lagu gabado oo kale ma soo harin. Xaglo geel wax guntiga la geliyo ka weyn” ayuu mar kale yiri isaga oo ka hadlayay Koonfur Galbeed.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo goor sii horreysay oo maanta ah uu Farmaajo soo saaray qoraal uu walaac xooggan uga muujiyay xaaladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, maadaama uu kasii darayo khilaafka u dhexeea Muqdisho iyo Baydhaba.
Farmaajo ayaa ka digay halista ku gadaaman qorshaha dhiillada wata ee ay ku wajahday Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo dalka ay ka taagan yihiin xaalado siyaasadeed iyo kuwa bani’aadanimo oo is-biirsaday, isla markaana si weyn u saameeyay dadka Soomaaliyeed.

