31.5 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

Iiraan oo qorsheyneysa in ay qabsato dalalka Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn haddii…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Tehran (Caasimada Online) — Khabiir dhanka amniga ah oo u dhashay Iiraan ayaa soo saaray digniin culus, isagoo shaaciyey in xukuumadda Tehran ay diyaar u tahay inay la wareegto gacan-ku-haynta xeebaha dalalka Baxrayn iyo Imaaraadka Carabta, xilli ay gobolka ka taagan tahay xiisad milateri oo aad u sarraysa.

Morteza Simiari, oo ah falanqeeye dhanka amniga qaranka ah, ayaa wareysi uu siiyay telefishinka dowladda Iiraan ee IRIB ku sheegay in ciidamada milateriga Iiraan ay “diyaar u yihiin inay tallaabo qaadaan” haddii Mareykanku uu gobolka ka sameeyo “wax khalad ah.”

Wuxuu si cad u sheegay in qorshaha ay ku jirto in gudaha loo galo xeebaha Imaaraadka iyo Baxrayn, isagoo tallaabadaas ku tilmaamay mid si aasaasi ah wax uga beddeli doonta muuqaalka juquraafi-siyaasadeed ee gobolka Khaliijka.

Hanjabaaddan dhiillada xambaarsan ayaa imanaysa maalmo uun kadib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka, Cabdullaahi bin Saayid, uu bartiisa xiriirka bulshada ee X (horey loo oran jiray Twitter) soo dhigay qoraal uu si adag ugu cambaareeyay weerarada Iiraan ay la beegsanayso dalkiisa, isagoo wacad ku maray in Imaaraadku “uusan marnaba u afduubnaan doonin argagixiso.”

Hadalka Bin Saayid ayaa u muuqday jawaab uu siinayay safiirkii hore ee Faransiiska u fadhiyay Mareykanka, Gerard Araud, kaas oo su’aal geliyay hadallo ka soo yeeray la-taliyaha madaxweynaha Imaaraadka, Anwar Gargash, oo ku saabsanaa iskaashiga sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Abu Dhabi iyo Washington.

Gargash ayaa horay u xusay in “gardarrada qaawan” ee Iiraan ay ku hayso waddamada Khaliijka Carabta ay xambaarsan tahay cawaaqib-xumo qoto dheer oo dhanka juquraafi-siyaasadeedka ah.

Wuxuu xusay in arrintani ay khatarta Iiraan ka dhigtay xuddunta istaraatiijiyadda Khaliijka, ayna sii xoojisay in iskaashiga amniga ee lala leeyahay Washington la sii ballaariyo, iyadoo la ilaalinayo madax-bannaanida amniga Khaliijka.

Araud ayaa taas kaga jawaabay in siyaasadda noocaas ahi ay ka dhigan tahay “in aad sii xoojinayso ku-tiirsanaantaada dal idin geliyay dagaal masiibo ah, isaga oo aan dan ka lahayn maslaxaddiinna”.

Tan iyo markii uu bilowday dagaalka wadajirka ah ee Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan 28-kii bishii Febraayo, xukuumadda Tehran ayaa uga jawaabtay duqeymo aargoosi ah oo lala beegsaday saldhigyada milateri ee Mareykanka iyo kaabayaasha shidaalka iyo gaaska ee dalalka deriska ah ee Khaliijka.

Dalka Imaaraadka oo keliya ayaa dhexda ku bur-buriyay 338 gantaal oo nooca ballistic-ga ah iyo 1,740 diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn (drones) tan iyo markii uu dagaalku qarxay.

Inkasta oo Sacuudiga iyo Imaaraadku markii hore la sheegay inay madaxweyne Donald Trump ku cadaadinayeen inuusan weerarin Iran, warbixin ay daabacday Middle East Eye ayaa sheegtay in labada dal ay hadda si tartiib tartiib ah ugu sii dhowaanayaan taageeridda dagaalka.

Warbixintaas ayaa sheegtay in Riyadh ay u dhaqaaqday inay Maraykanka u furto saldhigga cirka ee King Fahd Air Base ee Taif, galbeedka Sacuudiga.

Dhanka kale, Imaaraadka ayaa sidoo kale lagu soo warramay inuu u sheegay Maraykanka inuu isu diyaariyay dagaal daba dheeraada, isla markaana aanu wax cadaadis ah saareyn Washington si colaadda loo soo afjaro waqti dhow.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Imaaraadka ayaa, sida sarkaal Maraykan ahi u sheegay Middle East Eye, horaantii bishan khadka telefoonka ugu sheegay xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Marco Rubio in Abu Dhabi uu diyaar u yahay in dagaalku socdo ilaa sagaal bilood.

- Advertisement -

Read more

Local News