31.5 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

DF Soomaaliya oo dalab xasaasi ah u dirtay kooxda madaxweyne Lafta-gareen

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalab xasaasi ah u dirtay dhalinyarada iyo ragga siyaasiyiinta ah ee weli taageerada u muujinaya madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo ugu baaqday inay isa soo dhiibaan, sida Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Wasiirka oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay in madaxweyne Lafta-gareen uu ku jiro marxaladdii ugu dambeysay, isla markaana uu isaga tegi doono Koonfur Galbeed, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in si weyn looga horyimid qorshihiisa ah inuu mar kale kusoo laabto xukunka, isla markaana laga haysto degmooyin muhiim ah, taas oo uu sheegay inay xaaladda kusii xumineyso.

“Siyaasiyiinta tirada yar ee taageersan Duqa ay u maleeyaan inuu Xildhibaan KGS ka soo qori rabo waxaan leeyahay, sanadku waa 2026 dalku doorasho qof iyo cod ayuu aadey, dhalinyaro aad qaldi kartaan dalka ma joogto, Reer KGS waa hadleen ficilna way sameeyeen, hal degmo oo maanta Duqaas gacantiisa ku hartey ma jirto marka Xaafdda uu ka deganyahay Baydhabo laga reebo, iyadana mar dhow waa laysugu imaanaa” ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiirku.

Waxaa kale oo uu farriin culus u diray saaxibada weli la jooga Cabdicasiis Lafta-gareen, isaga oo ugu baaqay in fursadda ay hadda haystaan ka faa’iideystaan, isla markaana ay dadkooda dhinac kasoo raacaan.

“Weli waxaad heysatiin fursad aad dadkiina ku soo raacdaan, hadaad diidaan Duqaas diyaarad ayuu idinka raacaa sidii markuu Jidda ka soo tagaayey mana idin sheegi doono. Toloow maxaa ummada la soo hor fariisan doontaan markey halkaas taagantaay” ayuu mar kale yiri Wasiir Jaamac.

Hadalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo shalay kasoo baxay madaxtooyada Koonfur Galbeed, isla markaana cafis guud loogu fidiyay ciidamada ka tirsanaa maamulkiisa ee ku biiray mucaaradka, isla markaana ay soo dhaweynayaan cid kasta oo ka qayb-galeysa doorashada ka dhaceysa magaalada Baydhaba.

Ujeedka ayaa lagu sheegay in Lafta-gareen uu fursad aan xadidnayn uu siiyay ciidamadaas, si looga baaqsado dagaal ay la galaan maamulkiisa, waxaana sidoo kale uu tilmaamay in ay soo dhaweynayaan ciddii ka qayb-galeysa doorashada ka dhaceysa Baydhaba, sida uu sheegay afhayeenkiisa.

Koonfur-Galbeed ayaa haatan wajaheyso xaalad adag oo ka dhalatay khilaafka kala dhexeeya Dowladda Federaalka, iyadoo weli ciidamo lagu sii wado deegaannada maamulkaasi, taas oo sii murjineyso xaaladda taagan, isla markaana keeni karta inuu qarxo dagaal u dhexeeya labada dhinac.

Si kastaba, ha’ahaatee xaaladda ayaa hadda u muuqata mid faraha kasii baxeysa, lamana oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta.

- Advertisement -

Read more

Local News