29.9 C
Mogadishu
Friday, March 27, 2026

Saddex diyaaradood oo hub iyo ciidan ka dejiyay K/Galbeed + Qorshaha mucaaradka

Bookmark
Bookmarked

Share

Xudur (Caasimada Online) – Saddex diyaaradood oo wada ciidamo badan iyo hub ayaa maanta gaaray degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Saddexdan diyaaradood oo saacado is xigay gaaray Buurhakaba ayaa waday ciidamo isugu jira saddex nooc, oo ay ka mid yihiin ciidamo Macawiisley ah oo qabiil, kuwaas oo ay soo aruuriyeen xubnaha kasoo horjeeda Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen.

Sidoo kale, waxaa qayb ka ahaa ciidamadan kuwa la magac baxay Badbaadada Koonfur Galbeed iyo ciidamo kale oo ka tirsan milateriga Soomaaliya.

Sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo amni, ciidamadan ayaa laga kala soo qaaday magaalooyinka Muqdisho, Xudur iyo degmada Waajid, kuwaas oo haatan la isugu geeyay degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Magaalada Buurhakaba ayaa hadda waxaa ka soconaya abaabul xooggan iyo sidoo kale isku-dubarid ciidamada loo diyaariyay inay maalmo kadib qabsadaan magaalada Baydhabo, oo ah xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed, uuna ku sugan yahay Cabdicasiis Lafta-gareen.

Dowladda Federaalka iyo xubnaha la safan ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa doonaya inay awood ciidan uga hortagaan qorshaha doorasho ee ka socda Baydhabo, kaas oo uu dardar ku wado Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in uusan sharciyad haysan Lafta-gareen, iyadoo haatan si toos ah ula macaamilaysa maamulada degmooyinka Koonfur Galbeed, isla markaana inta badan gacanta ku dhigtay maamulka magaalooyinka waaweyn ee maamulkaas.

- Advertisement -

Read more

Local News