28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xog: Ciidamada Itoobiya oo lafta-gareen u sheegay in aysan ka difaaci karin DF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Baydhaba ayaa u sheegay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, in aysan u dagaallami doonin haddii ay ciidamada dowladda federaalka soo galaan magaalada, sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen Caasimada Online.

Go’aanka Itoobiya ayaa imanaya xilli ciidamada dowladda ay kusii siqayaan xarunta ku meel gaarka ah ee maamulkaas kadib dagaallo cusub oo ka dhacay duleedka magaalada Axaddii, xaaladduna ay aad u kacsan tahay.

Ilo-wareedyada Caasimada Online ayaa sheegay in saraakiisha Itoobiya ay si cad ugu wargeliyeen Lafta-gareen in aysan awood u lahayn inay ka difaacaan ciidamo federaal ah oo kusoo wajahan Baydhaba, maadaama iska horimaad toos ah oo dhex mara labada dhinac uu sababi karo cawaaqib diblomaasiyadeed oo culus.

Sida ay xogtu tilmaamayso, Addis Ababa waxay hadda xoogga saareysaa sidii Lafta-gareen loogu heli lahaa waddo uu uga baxo xaaladda cakiran, xilli Muqdisho ay ciidamo gaaraya ku dhowaad laba kun oo askari isugu geysay furinta ballaaran ee ku xeeran Baydhaba, halka mowqifkiisa siyaasadeed iyo midkiisa militari ay sii wiiqmayaan.

Ciidamada Itoobiya ayaa weli joogitaan muuqda ku leh gudaha iyo hareeraha Baydhaba, iyagoo ka hawlgala qaab ka tirsan iyo mid ka baxsan howlgalka Midowga Afrika.

Joogitaankooda ayaa weli xasaasi ah, maadaama xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa uu dhaawac weyn gaaray kadib heshiiskii is-afgarad ee Itoobiya la gashay Somaliland sanadkii 2024, kaas oo sababay qalalaase diblomaasiyadeed oo xooggan.

Falanqeeyayaal ayaa sidoo kale qaba in Itoobiya ay sannadihii u dambeeyay xoojisay xiriirka amni ee kala dhexeeya Lafta-gareen, taasoo qayb ka ahayd dadaal ballaaran oo ay ku dooneyso inay ku xakameyso Al-Shabaab meelaha u dhow xadkeeda.

Si kastaba, isku dhac kasta oo ciidanka Itoobiya ay la galaan kuwa federaalka Soomaaliya ayaa keeni kara in laga saaro ciidamada AUSSOM, iyo guud ahaan dalka.

Xaaladda Lafta-gareen ayaa ka duwan tii 2018, markaasi oo ciidanka Itoobiya ay u qabteen Baydhaba, kadib markii ay xireen Mukhtaar Roobow, sababtoo ah waxay xilligaas la safnaayeen dowladda federaalka, kamana aysan cabsi qabi isku dhac diblomaasiyadeed.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in qabsashada ciidamada dowladda ee Baydhaba ay aad u dhowdahay ayna adag tahay in la baajiyo marka la eego awoodda ay dowladda federaalka halkaas isugu gaysay

Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa shalay sheegtay in ciidamada dowladda ay si buuxda ula wareegeen deegaanka Daynuunaay, oo qiyaastii 18 kiiloomitir u jira Baydhaba, kadib dagaal ay la galeen Al-Shabaab.

Wasaaraddu waxay sheegtay in 21 dagaalyahan lagu dilay iska horimaadka, halka in ka badan 10 kalena lagu dhaawacay, kadib markii kooxda ay isku dayday weerar lama filaan ah oo ay ku qaaddo fariisimo ciidan.

Ilo-wareedyo siyaasadeed oo deegaanka ah ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad deegaanka ah oo garab siinaya ay dagaalka kadib dhaqaaq ka bilaabeen waddada aada Baydhaba, taasoo sare u qaaday walaaca laga qabo in magaalada ay noqoto furinta xigta ee colaadda.

Dhaqdhaqaaqa militari wuxuu yimid maalin kadib markii xildhibaannada Koonfur Galbeed ee ku sugan Baydhaba ay Sabtidii  si degdeg ah mar kale u doorteen Lafta-gareen, doorasho ay dowladda federaalka si rasmi ah sharci-darro ugu tilmaantay uguna xeeqday “is-doorasho.”

Arrintan ayaa sii xoojisay kala go’ii siyaasadeed ee billowday 17-kii Maarso, markaas oo maamulka Koonfur Galbeed uu hakiyay wada-shaqeyntii kala dhaxeysay Muqdisho, kuna eedeeyay dowladda federaalka inay waddo qorshe xilka looga tuurayo Lafta-gareen.

Xudunta xiisaddan ayaa la xiriirta dadaalka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku doonayo inuu dib u qaabeeyo nidaamka doorashooyinka dalka, kadib markii baarlamaanku bishan ansixiyay wax-ka-beddello dastuur oo ay mucaaradka iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyadu ku dhaliileen inay fursad u siin karaan muddo-kordhin iyo dib u dhac ku yimaada doorashooyinka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isbeddelladaas ku tilmaamay qayb ka mid ah hannaan dalka looga gudbayo nidaamka doorashada dadban ee ku saleysan qabiilka loona guurayo nidaamka qof iyo cod.

Si kastaba mucaaradka iyo madax goboleedyo dhowr ah ayaa ku doodaya in wax-ka-beddellada lagu meel mariyay si degdeg ah, iyada oo aan la helin is-afgaradkii ballaarnaa ee nidaamka federaalka jilicsan ee Soomaaliya u baahan yahay.

Lafta-gareen, su’aashu hadda kuma koobna oo keliya inuu difaacan karo dib u doorashadiisa muranka dhalisay, balse waxay gaartay heer la is-weydiinayo inuu sii joogi karo Baydhaba isagoo aan heysan garabka ciidamada Itoobiya. 

- Advertisement -

Read more

Local News