28.5 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Diyaarado dagaal oo lagu arkayo Baydhaba iyo wararkii ugu dambeeyay xaaladda

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in dhaq-dhaqaaqii ugu dambeeyay oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku doonayaan inay gudaha ugu galaan Baydhaba uu saaka ka socdo magaaladaas oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Koonfur Galbeed.

Ciidamada ayaa hadda ku sugan bannaanka magaalada, gaar ahaan meel dhowr iyo kiiloomitir u jirta magaalada, halkaas oo difaacyo ay ka sameysteen.

Sidoo kale, waxaa Baydhaba iyo agagaarkeeda lagu arkaayo diyaarado Dron ah iyo kuwa qumaatiga u kaca oo dul heeheebaayo magaalada, waxayna qayb ka yihiin howlgalka ka socda halkaasi.

Dadka ayaa sidoo kale, intooda badan isaga baxay Baydhaba, si ay uga fogaadaan waxyeelo kasoo gaarto colaadaas, maadaama laga cabsi qabo in labada dhinac ay ku dagaalamaan magaaladaasi.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo, saacado uun kadib markii Wasiirka Dekedaha Soomaaliya, Cabdulkadir Nuur Jaamac, uu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya la filayo inay Baydhaba galaan Isniinta maanta ah.

Shalaya ayay sidoo kale ahayd markii ay dagaallo qaraar ka dhaceen deegaanka Daynuunaay, oo qiyaastii 18 kiiloomitir u jirta Baydhaba, halkaas oo ay isku farasaareen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab.

Si kastaba, xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo ay sii xoogeysaneyso xiisadda u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed. Waxaa sidoo kale si weyn u hakaday isku socodkii dadweynaha ee deegaannada maamulka, gaar ahaan gaadiidkii geli jiray magaalada Baydhabo.

- Advertisement -

Read more

Local News