27.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

DF oo soo bandhigtay maxaabiis dagaalka looga qabtay Koonfur Galbeed

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka warbixisay dagaal maanta ka qarxay Baydhaba, kaas oo u dhexeeyo ciidamada Dowladda oo garab ka helaya kuwa la baxay Badbaadada Koonfur Galbeed iyo ciidanka taabacsan maamulka Lafta-gareen.

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada dowladda oo ku jiray howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ay soo weerareen ciidanka Koonfur Galbeed Soomaaliya, balse la’iska caabiyay kadibna jab culus la gaarsiiyay.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sidoo kale sheegtay in qaar kamid ah ciidamada la safan Lafta-areen lagu qabtay nolosha, iyadoo baahisay sawirka iyaga oo indhaha ka xiran gacantana ay ku hayaan Ciidamada Xoogga Dalka.

“Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo howlgal ka dhan ah Khawaarijta ka waday duleedka magaalada Baydhabo, ayaa saaka waxaa weerar kusoo qaaday maleeshiyaad hubeysan oo ka Amar qaata Cabdicasiis Laftagareen. Ciidamada oo heegan sare ku jiray ayaa si degdeg ah uga falceliyay weerarkaasi, iyagoo iska caabiyay isla markaana jabiyay maleeshiyaadkii kusoo qaaday weerarka gardarrada ah,iyagoo gacanta  ku dhigay qaar ka mid ah maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dhankeeda Koonfur Galbeed ayaa guul ka sheegatay dagaalka, waxaana ay shaacisay in ay jabisay ciidamada dowladda ‘ee duulaanka kusoo qaaday’ magaalada Baydhaba’ sida ay hadalka u dhigtay.

“Kuwii duullaanka kusoo qaaday shacbiga iyo Dowladda Koonfur Galbeed ee uu soo diray Xasan Sheekh marnaba ma guuleysanayaan. Waa la jebiyey xaqiiqdii, waxaana mar kale caddaatay in cadow kasta oo isku daya inuu qalqal geliyo amniga iyo xasilloonida shacabka uu la kulmi doono jab iyo fashil” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Shacabka iyo hay’adaha amniga waxay muujiyeen geesinimo iyo midnimo, taas oo fariin cad u dirtay cid kasta oo damac xun leh. Dowladda iyo shacabka Koonfur Galbeed waxay sii wadi doonaan difaaca dalkooda iyo ilaalinta nabadda iyo wadajirka”.

- Advertisement -

Read more

Local News