27.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Ciidanka Mareykanka oo rikoor cusub ka dhigay Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Militariga Mareykanka ayaa sanadkan Soomaaliya ka fuliyay ku dhowaad 50 duqeyn oo cirka ah, taasoo muujineysa koror weyn oo ku yimid howlgalada Taliska Mareykanka ee Afrika, AFRICOM, xilli uu sare u qaaday weerarrada uu ku beegsanayo kooxaha hubeysan ee ka dagaallama dalka.

Duqeyntii ugu dambeysay ayaa lagu qaaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, meel qiyaastii 80 mayl waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo, sida AFRICOM ku sheegtay bayaan ay soo saartay Isniintii. Taliska ayaa sheegay in weerarkan uu tirada guud ee duqeymaha uu sanadkan ka fuliyay Soomaaliya ka dhigay 49, oo ku kooban saddexda bilood ee ugu horreysay oo keliya.

AFRICOM ayaa sheegtay inay howlgaladan si wadajir ah ula fulineyso dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamada qalabka sida, iyadoo ujeedku yahay in la wiiqo awoodda Al-Shabaab ee ay ku beegsan karto ciidamada Mareykanka iyo muwaadiniintiisa dibadda.

Taliska ma uusan shaacin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan nooca diyaaradaha, cutubyada ama qalabka loo adeegsaday weerarka, isagoo ku sababeeyay arrimo la xiriira amniga howlgalka.

Duqeymahan sii kordhaya ayaa imanaya kadib sanadkii 2025, markaas oo AFRICOM ay Soomaaliya ka fulisay ku dhowaad 125 duqeyn. Tiradaas waxay ka badneyd rikoodhkii hore ee 63 weerar ee la diiwaangeliyay sanadkii 2019. Haatan, marka la eego bilaha ugu horreeya ee 2026, waxaa muuqata in xawaaraha duqeymaha uu kasii dheereynayo kii sanadkii hore.

Weerarrada AFRICOM ma ahan kuwo ku kooban hal aag. Waqooyiga Soomaaliya, talisku wuxuu si joogto ah u bartilmaameedsadaa maleeshiyaadka Daacish ee ku sugan hareeraha buuraha Golis, halka Al-Shabaab ay weli ka hawlgasho qaybo badan oo koonfurta iyo bartamaha dalka ah.

Al-Shabaab ayaa muddo dheer ahayd kooxda ugu xoogga badan ee hubeysan ee ka jirta Soomaaliya, halka garabka Daacish ee Soomaaliya, oo la sameeyay sanadkii 2015 kadib markii xubno ka goostay Al-Shabaab, uu isna sanadihii dambe soo jiitay dagaalyahanno ajaanib ah.

Ciidamada Mareykanka ayaa sanado badan ka howlgalayay Soomaaliya, iyagoo siinayay ciidamada maxalliga ah tababar, talo ciidan iyo taageero dhinaca sirdoonka ah si ay ula dagaallamaan kooxaha mayalka adag.

Kororka xooggan ee duqeymaha sanadkii hore ayaa kusoo beegmay kadib markii Wasiirka Difaaca Mareykanka Pete Hegseth uu bixiyay amar siiyay taliyeyaasha AFRICOM awood dheeraad ah oo ay ku go’aansan karaan goorta la qaadayo weerarrada cirka.

Duqeymahan sii badanaya ayaa muujinaya in Washington ay weli Soomaaliya u aragto furin muhiim ah oo ka mid ah dagaalka ay kula jirto kooxaha jihaad-doonka ah. Si kastaba, waxay sidoo kale dib u kicineysaa dood ku saabsan baaxadda howlgalada Mareykanka, saameynta ay ku leeyihiin xaaladda amni ee dalka, iyo jihada istiraatiijiyadda Mareykanka ee Geeska Afrika.

- Advertisement -

Read more

Local News