30.1 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Guddoomiye Muungaab oo wax ka qabtay khatar weyn oo Muqdisho ka jirtay + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray mashruuca istiraatiijiga ah ee biyo-qabadka Warta Siigaale, oo la dhagax-dhigay dabayaaqadii bishii August 2025.

Munaasabadda xarig-ka-jarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ay ka mid yihiin: Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud, Cabdimajid Daahir Aadan, Xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir, Bilan Bile Maxamuud, maamulka degmada Hodan, iyo mas’uuliyiin kale oo sarsare oo ka tirsan Dowladda Hoose ee Xamar.

“Maanta waxa aan daah-fureynaa mashruuc istiraatiiji ah oo door weyn ka qaadanaya badbaadinta nafaha iyo hantida shacabka caasimadda, gaar ahaan xilliyada roobabka iyo fatahaadaha,” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.

Waxa uu intaas kusii daray “Warta Siigaale waxa ay si toos ah u adeegtaa toddobo degmo, hirgelinta mashruucanna waa tallaabo muuqata oo lagu xoojinayo amniga iyo nolosha bulshada.”

Biyo-qabadka Warta Siigaale oo leh muhiimad gaar ah, maadaama ay isugu ururaan biyaha toddobo degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir, ayaa waxaa fulisay Dowladda Hoose ee Xamar oo kaashaneysa mashruuca NAGAAD si loo xoojiyo kaabayaasha muhiimka ah ee adeegyada bulshada.

Dhinaca kale, waxaa la qorsheynayaa in si degdeg ah loo guda galo wejiga labaad ee mashruuca, kaasoo diiradda lagu saari doono horumarinta deegaanka ku xeeran, oo ay ka mid yihiin nadiifinta guud, hagaajinta bilicda, iyo ku-beerista dhir si loo xaqiijiyo joogtaynta iyo waaritaanka deegaanka, sida uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Dr. Muungaab:

“Mashruucan ma aha mid halkan ku eg; waxa aan si qorsheysan u sii wadaynaa wejigiisa xiga, si loo ballaariyo adeegyada, loona xaqiijiyo horumar waara oo ay ka faa’iideystaan dhammaan shacabka Gobolka Banaadir.”

- Advertisement -

Read more

Local News