Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo wareegto soo saartay ayaa maanta magacowday guddi farsamo oo ka shaqeynaya dib-u-heshiisiin dhab ah oo ka dhacda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Guddiga oo ka kooban illaa 10 xubnood ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul), halka guddoomiye ku xigeen looga dhigay Cali Cabdullaahi Isaaq.
Wasaaradda ayaa sheegtay in guddigan loo xilsaaray hirgelinta iyo fududeynta geedi-socodka nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta, si xal looga gaaro xiisadda Koonfur Galbeed, maadaama lasoo dhisayo maamu cusub oo rasmi ah.
“Go’aan: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay magacowday Guddiga Farsamada Wada-hadalka iyo Dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo loo xilsaaray hirgelinta iyo fududeynta geedi-socodka nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta,” ayaa lagu yiri wareegtada.
Sidoo kale, waxaa waajibaadka guddiga kamid ah xaqiijinta matalaad caddaalad ah iyo hufnaan inta ay socdaan wada-hadalladu iyo xoojinta kalsoonida iyo wada-noolaanshaha bulshada dhexdeeda ah.
Waxaa kale oo wasaaradda intaas ku dartay in ay kor kala socon doonto howsha, iyada oo kaashaneysa wasaaradda arrimaha gudaha Koonfur Galbeed oo qayb ka aha dadaallada nabadeynta ee laga sameynayo maamulkaas.
Tallaabadan ayaa timid ka dib markii wadashiyo lala sameeyay dhinacyada ay quseyso xaaladda Koofur Galbeed, iyadoo laga amba qaadayo fulinta amarkii kasoo baxay madaxweyne Xasan Sheekh oo dhowaan booqday Baydhaba.
Koonfur Galbeed ayaa gashay marxalad cusub, kadib markii meesha la gaaray madaxweynihii maamulkaas Cabdicasiis Lafta-gareen, waxaana haatan dowladda ay qorsheyneysaa in doorasho qof iyo cod ah ay ka qabato halkaas.
Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka


