Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee xubnaha Guddiga Joogtada ah, kaas oo ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa.
Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka furay ayaa xubnaha guddiga joogtada ah warbixin ka siiyey safarkii uu ku tegay magaalada Baydhaba, oo ah xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, halkaas oo uu kulamo kula soo qaatay masuuliyiinta maamulka iyo waxgaradka deegaanka.
Sidoo kale wuxuu ka warbixiyay isbeddelladii dhawaan ka dhacay dowlad-goboleedkaas iyo dadaallada dowladda ee ku aaddan doorashada hoggaanka Koonfur Galbeed iyo midda golaha wakiilada.
Intaas kaddib, Habdhowraha Guud ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux), ayaa dhaariyey Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo si rasmi ah uga mid noqday Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.
Sidoo kale, waxaa la dhaariyey Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Ismaaciil Ciid Maxamed, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Marwo Nadiifo Aadan Isaaq.
Dhinaca kale waxaa kulanka aan caadiga ahayn lagu soo qaaday howlaha Baarlamaanka iyo sidii loo sii amba qaadi lahaa ajendayaasha muhiimka ah, maadaama ay taagan yihiin xaalado siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo marka uu furmo Baarlamaanka la filayo inuu sii wado meel marinta shuruucda muhiimka ah.
Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxlad xasaasi ah oo ka dhalatay go’aankii Baarlamaanka ee wax ka beddelka dastuurka iyo hanaanka loo wajahayo doorashooyinka soo socda ee dalka.
Waxaa kale oo jirta xiisad culus oo kasoo cusboonaatay qaar kamid ah maamul-goboleedyada dalka, kadib markii ay dowladdu weerar ku qaaday Koonfur Galbeed, kaas oo meesha looga saaray madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.


