29.9 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

Dalalka Yurub oo billaabay qorshe beddel u ah NATO xilli la filayo in Trump uu ka…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Brussels (Caasimada Online) – Dalalka qaaradda Yurub ayaa si hoose u wada qorshe kayd ah oo ay ku maamulayaan qaab-dhismeedka milateri ee gaashaanbuurta NATO iyadoo aan lagu tiirsanayn Mareykanka, arrintaas oo ay ka dambeysay cabsi sii kordhaysa oo laga qabo in Madaxweyne Donald Trump uu gabi ahaanba isaga baxo isbaheysigaas.

Istaraatiijiyaddan heeganka ah, oo si dadban loogu bixiyay “NATO-da Yurub” (European NATO), ayaa ujeeddadeedu tahay in saraakiil u dhalatay qaaradda Yurub la geeyo xilalka xasaasiga ah ee taliska iyo hagidda, isla markaana awoodda iyo tayada milateri ee dalalka qaaraddu ay buuxiso kaalintii hantida milateri ee Mareykanka.

Mas’uuliyiinta qaybta ka ah qorshahan ayaa xaqiijiyay in ujeedku uusan ahayn in lala tartamo isbaheysiga hadda jira, balse la doonayo in la dhowro sii-socoshada hawlgallada, kalsoonida awoodda nukliyeerka, iyo is-horteegga dalka Ruushka, haddii xukuumadda Washington ay la baxdo ciidamadeeda ama ay diiddo inay difaacdo xulafadeeda.

Qorshahan ayaa dardar xooggan yeeshay kaddib markii isbeddel taariikhi ah uu ku yimid siyaasadda xukuumadda Berlin, taas oo muddo dheer ka soo horjeedday in Yurub ay kaligeed isku tashato dhanka amniga, doorbidaysayna dammaanad-qaadka Mareykanka.

Hoggaamiyaha Jarmalka, Friedrich Merz, ayaa beddelay mowqifkii soo jireenka ahaa ee dalkiisa kaddib markii uu soo gebagebeeyay in Trump uu diyaar u yahay inuu meesha ka saaro taageeradii Ukraine, isla markaana ay jabtay isku-halleyntii Mareykanka, sida ay xaqiijiyeen dad xog-ogaal u ah aragtidiisa.

Qaadashada mas’uuliyad dheeraad ah

Deddejinta qorshayaashan degdegga ah ayaa aad u xoogeystay kaddib markii Trump uu ku hanjabay inuu isaga baxayo isbaheysiga, sababo la xiriira in Yurub ay diidday inay taageerto ololihiisa milateri ee Iiraan. Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale dhowaan xulafadiisa Yurub ku sifeeyay “fuleyaal”, isagoo NATO ku tilmaamay “shabeel waraaq ka sameysan” oo aan awood dhab ah lahayn.

“Farriinta aasaasiga ah ee aan u dirayno saaxiibadeena Mareykanka ayaa ah in tobanaan sano kaddib, la joogo waqtigii Yurub ay dhabarka saaran lahayd mas’uuliyad ka weyn tii hore oo ku aaddan amnigeeda iyo difaaceeda,” ayuu yiri Madaxweynaha Finland, Alexander Stubb, oo ka mid ah madaxda hormuudka ka ah qorshahan.

Jiheynta cusub ee Jarmalka ayaa horseedday is-afgarad ballaaran oo dhex maray isbaheysi is-xilqaamay oo ay ku jiraan Faransiiska, Ingiriiska, Poland, Canada, iyo dalalka Waqooyiga Yurub (Nordic).

Wasiirka Difaaca Jarmalka, Boris Pistorius, ayaa qiray in in kasta oo wada-hadallada gudaha NATO aysan mar walba fududayn, haddana isbaheysigu uu yahay inuu la jaanqaado waqtiga si uu u badbaado.

“Waa inaanu annagu reer Yurub ahaan qaadannaa mas’uuliyad dheeraad ah oo ku aaddan difaacayaga, waana sameyneynaa arrintaas,” ayuu yiri Pistorius. “NATO waa inay noqotaa mid Yurub u janjeerta si ay u sii ahaato mid isku xirta labada dhinac ee Badweynta Atlantic-ga.”

Buuxinta daldaloolada awoodeed

U-gudbida is-afgarad siyaasadeed iyo qorsheyn milateri oo ficil ah ayaa wadata caqabado aad u waaweyn. Dhammaan qaab-dhismeedka saadka ee NATO, hay’adaha sirdoonka, iyo taliska sare ee milateriga ayaa si adag loogu dhisay hoggaaminta iyo awoodda Mareykanka.

Si loo buuxiyo firaaqa iman doona, madaxda Yurub ayaa riixaya in la dardargeliyo wax-soo-saarka qalabka milateri ee muhiimka ah, gaar ahaan meelaha ay Yurub aadka uga dambeyso Mareykanka, sida la-dagaallanka maraakiibta gujiska ah (anti-submarine warfare) iyo sirdoonka hawada sare.

Calaamad muujinaysa hindisahan cusub, Jarmalka iyo Ingiriiska ayaa dhowaan ku dhawaaqay mashruuc wadajir ah oo lagu horumarinayo gantaallada riddada dheer ee aan la arkin (stealth cruise missiles) iyo hubka xawaarihiisu ka dheereeyo codka ee loo yaqaan hypersonic.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale carabka ku adkeynaya baahida loo qabo ciidamo iyo cudud bani’aadam. Madaxweyne Stubb, oo dalkiisu uu weli dhaqangaliyo nidaamka qorista ciidamada ee khasabka ah, soohdin aad u dheerna la wadaaga Ruushka, ayaa xusay in qorista ciidanku ay tahay aalad muhiim u ah difaaca oo laga yaabo in dalalka kale ee Yurub ay iyaguna dib u soo celiyaan.

In kasta oo dardartan ay jirto, khubarada milateriga ayaa ka digaya in isbeddelku uu noqon doono mid adag, kaddib sanado badan oo ay dalalka Yurub hoos u dhigeen kharashaadkii ay ku bixin jireen difaaca.

Jeneraal James Foggo oo ka fariistay ciidamada badda Mareykanka ayaa sheegay in isku-tashiga Yurub ee NATO uu ahaa mid waqtigiisa dhaafay, isagoo bogaadiyay xirfadda ciidamada xulafada, balse wuxuu ka digay inay u baahan yihiin inay maalgelin sameeyaan oo ay si dhaqso leh u horumariyaan awooddooda qalabka milateri.

Caqabadda hubka nukliyeerka

Qaybta ugu xasaasisan uguna adag ee difaaca madax-bannaan ee Yurub ayaa weli ah sidii lagu beddeli lahaa dalladda baaxadda leh ee nukliyeerka Mareykanka iyo shabakadda sirdoonka istaraatiijiyadeed.

Mas’uuliyiinta Yurub ayaa si cad u qiraya in isku-shaandheyn ciidan aysan si degdeg ah u beddeli karin nidaamyada dayax-gacmeedka, ilaalada, iyo digniinaha gantaallada ee dowladda Mareykanka, kuwaas oo lafdhabar u ah awoodda is-horteegga ee NATO.

Xaqiiqadan ayaa Ingiriiska iyo Faransiiska ku riday cadaadis xooggan oo ku aaddan inay ballaariyaan doorkooda istaraatiijiyadeed.

Kaddib markii Trump uu ku hanjabay inuu xoog kula wareegayo jasiiradda Greenland ee laga xukumo Denmark, Merz iyo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa furay wada-hadallo ku saabsan in awoodda nukliyeerka ee Faransiiska la gaarsiiyo si ay u daboosho dalalka kale ee Yurub, oo uu ku jiro Jarmalka.

Trump qudhiisa ayaa markii dambe qirtay in murankii Greenland uu ahaa isbeddel weyn oo ku yimid aragtidiisa ku aaddan isbaheysiga, isagoo weriyay in markii Mareykanka loo diiday dhulkaas uu yiri, “Hagaag, nabadgelyo” (OK, bye bye).

- Advertisement -

Read more

Local News