29.2 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

Sanbaloolshe oo maanta kasoo muuqday safka mucaaradka + Video

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee Nabad-sugidda Qaranka, Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo horay uga mid ahaa saaxibada aadka ugu dhow ee madxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kasoo muuqday safka mucaaradka, isaga oo ka qayb-galay kulan ay la yeesheen odayaasha dhaqanka Hawiye oo looga hadlay xaaladda dalka.

Sanbaloolshe ayaa ka baxay garabka madaxweynaha, isaga oo toos ugu biiray mucaaradka kasoo horjeedo qorshaha Villa Soomaaliya.

Mucaaradka ayaa maanta shirkooda kaga dhawaaqay ‘Badbaado Qaran’ iyaga oo shacabka ugu baaqay inay qaataan kaalintooda, qaybna ka noqdaan abaabulka socda, sida uu shaaciyay Ra’iisul wasaare hore Maxamed Xuseen Rooble.

“Waxaan isla garanay in hadda wixii ka dambeeyo uu dalka u baahan yahay badbaado qaran oo Soomaali oo dhan ay ka qayb-qaadato. Madaxweynaha kor iyo hoos waa ula hadalnay ehelnimo iyo asaxaabtinimo si kasta wax waan ugu sheegnay inuu talada dalka dhexda soo dhigo laakin hadda dalka Soomaaliya wuxuu qarka u saaran yahay inuu kala tego”. ayuu yiri Rooble.

Horay Sanbaloolshe oo qoraallo kala duwan usoo saaray ayaa dhaleeceeyay dowladdii uu ka tirsanaa, isaga oo walaac ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee sii cakirmeysa ee dalka, maadaama ay sii kordhayaan khilaafaadka taagan.

Sidoo kale wuxuu xilligaas digniin kasoo saaray jihada uu dalka aaday, wuxuuna oo tilmaamay in sida ay wax ku socdaan aysan sax aheyn.

“Xaaladda siyaasadeed ee dalka, sida lagu wado sax ma ahan, haddii aan wax laga beddelin dad horay iskula socday kuma sii wada socon karaan sidaan”. ayuu qoraalkiisa ku yiri Mudane Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Soomaaliya ay wajaheyso xaalad hubanti la’aan ah, isla markaana weli la’isku fahmi la’yahay hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurkii 2012-kii.

Maalmihii dambe mucaaradka ayaa Muqdisho ka waday dhaq-dhaqaaq culus oo siyaasadeed, loogana soo horjeedo qorshaha dowladda ee la xiriira muddo kororsiga, si dalka loo gaarsiiyo doorashooyin toos ah oo qof iyo cod ah.

- Advertisement -

Read more

Local News