Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka guddiga fulinta, isagoo diray farriin siyaasadeed oo culus.
Shirka ayaa marka hore diiradda lagu saaray dardargelinta hawlaha doorashooyinka dowlad-goboleedyada, gaar ahaan kuwa isku sidkan ee golayaasha deegaanka iyo golayaasha wakiillada.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay kaalinta muuqata ee guddiga fulinta ay ka qaateen hirgelinta qorshayaasha istaraatiijiyadeed ee ururka, isagoo ku dhiirrigeliyay in la sii laba jibbaaaro dadaallada lagu xaqiijinayo hannaan doorasho oo daahfuran, isla markaana ku saleysan mabda’a qof iyo cod.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in laga gudbo siyaasadda qofeysan, isagoo xusay in siyaasi kasta uu ku kalsoonaado codka shacabka iyo go’aankooda.
“Waxaan mar kale adkeynayaa in laga gudbo siyaasadda qofeysan. Muwaadin kasta oo leh han siyaasadeedna waa inuu ku kalsoonaado codka iyo go’aan dadweyne,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha oo la kulmay hawl-wadeenada xarunta dhexe iyo xarunta gobolka Banaadir ayaa sidoo kale u ballan-qaaday xubnaha ururka ee daneynaya tartanka doorasho hoosaadka in si caddaalad iyo hufnaan leh loogu kala saari doono nidaamka danabeysan (online) ee ururka, si loo xaqiijiyo sinaan ka dhex dhalata dhammaan musharraxiinta.
Ugu dambeyntiina, kulanka ayaa lagu adkeeyay muhiimadda wada shaqeynta, isku duubnida iyo dardargelinta howlaha hortabinta u leh Ururka, si loo gaaro guul siyaasadeed oo waarta.












