30.4 C
Mogadishu
Tuesday, April 21, 2026

Askar ka tirsan badbaadada Koonfur Galbeed oo la dilay iyo ciidanka dowladda oo…

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) – Howlgallo ballaaran ayaa ka socda duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kuwaas oo lagu baadi-goobayo rag hubeysan oo dil u geystay askar ka tirsanaa ciidanka Badbaadada Koonfur Galbeed, kadibna baxsaday.

Sida ay ilo kala duwan u xaqiijiyeen Caasimada Online, raggaasi ayaa weerarka kadib si degdeg ah uga baxsaday goobta, iyadoo aan weli si rasmi ah loo shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay falkaas.

Howl-galladan ayaa waxaa si wadajir ah u fulinaya ciidamo isugu jira Booliis iyo kuwa Milatari ah, kuwaas oo isku dayaya inay gacanta ku soo dhigaan eedeysaneyaasha falkaasi ka dambeeyay.

Ciidamada ayaa la sheegay inay baaritaanno ka wadaan deegaanno dhowr ah oo ku teedsan duleedka Baydhabo, iyagoo raadinaya xog kasta oo horseedi karta in la soo qabto ragga baxsadka ah.

Ujeedka howl-galladan ayaa ah in la soo qabto eedeysaneyaasha laguna horgeeyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, oo horey gacanta ugu haysay kiisas la xiriira falal amni darro oo ka dhacay magaalada Baydhabo.

Dhanka kale, saraakiisha hay’adaha ammaanka ee magaalada Baydhabo ayaa saacadihii lasoo dhaafay yeeshay kulan gaar ah oo looga hadlayay xaaladda amni ee gobolka Baay.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo adkayn lahaa amniga guud ee magaalada iyo hareeraheeda, loogana hortagi lahaa falalka lidka ku ah amniga ee soo noqnoqday.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale xusay in la kordhin doono howl-gallada amni sugidda, si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo xasilloonida gobolka Baay.

- Advertisement -

Read more

Local News