Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta xarigga ka jaray xarunta dhexe ee Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya ayaa sheegay in dalka uu haatan si dhab ah ugu jihaysan yahay ka faa’iidaysiga kheyraadka badda.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Soomaaliya ay leedahay bad aad u ballaaran oo laba jeer ka weyn dhulka dalka, balse aan si buuxda looga faa’iidaysan, isagoo xusay in dowladdu ay hadda xoogga saarayaan sidii loo horumarin lahaa isticmaalka kheyraadka badda.
“Waxaa isqaban waayay hab nololeedkeenna iyo dhaqankeenna iyo kheyrka faraha badan ee Ilaahay ina siiyay, laakiin qarniga 21-aad waxaan rabnaa in aan iswaafajino. Meesha nolosha iyo horumarka naga jiro waa badda,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.
Waxa uu intaas ku daray: “Baddeenna laba jeer ayay dhulkeenna ka ballaaran tahay, inta dhulka jirta iyo in ka badan oo dhulka jirinba waa ka jirta. Sidii looga faa’iidi lahaa oo loo isticmaali lahaa ayay su’aal ka taagan tahay.”
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay mudnaan gaar ah siinayso sugidda amniga badda, ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah, iyo ka hortagga xaalufinta si loo xaqiijiyo in jiilasha mustaqbalka ay ka faa’iidaystaan kheyraadka badda Soomaaliyeed.
Sidoo kale wuxuu xusay in ilaalinta bay’adda badda ay tahay mid muhiim ah, isla markaana ay dowladdu ka shaqeynayso qorshayaal lagu maareynayo isticmaalka kheyraadka badda si waara.
Ugu dambayntiina, Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay in badda Soomaaliyeed laga dhigo laf-dhabarta koboca dhaqaalaha dalka, iyadoo haatan shidaal qodista markii u horreysay si rasmi ah looga bilaabayo badda, oo uu ku yaallo ceelka Curad-1.
Hoos ka daawo muuqaalka

