Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Haybad Qaran iyo Xisbiga Xaqsoor ayaa shaaciyay inay isku biireen, isla markaana ay sameysteen isbahaysi siyaasadeed.
Labada xisbi ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqi doona dhismaha isbahaysigan maalinta Khamiista, oo ay taariikhdu tahay 23-ka April 2026.
Isbahaysiga Xaqsoor iyo Haybad Qaran ayaa loo aasaasay in lagu xoojiyo caddaaladda dalka, isla markaana dib loogu soo celiyo haybadda iyo sharafta qaranka.
Dhanka kale, hoggaanka sare ee Xisbiga Haybad Qaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa maanta booqasho ku tagay xarunta dhexe ee Xisbiga Xaqsoor.
Saacid iyo wafdigiisa ayaa halkaasi kulan kula yeeshay hoggaanka Xisbiga Xaqsoor, oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Cabdiraxmaan Caynte.
Kulanka labada xisbi ayaa yimid kaddib markii ay isla qaateen yagleelidda isbahaysiga Xaqsoor iyo Haybad Qaran.
Isku biirista labadan xisbi ayaa kor u qaadeysa taageerada siyaasadeed ee Saacid, oo ah musharraxa Midowga Haybad Qaran u wado madaxtinimada Soomaaliya.
Saacid ayaa waxaa hore ugu mideysnaa hoggaamiyeyaal siyaasadeed oo ka kala socday ururro, xisbiyo iyo madallo kala duwan oo dalka caan ka ah.
Si kastaba, isbahaysigan cusub ayaa la filayaa inuu saameyn weyn ku yeesho loolanka siyaasadeed iyo doorashooyinka soo aaddan ee dalka, marka la eego miisaanka xubnaha ku midoobay.
Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa durba sheegaya in rajada Saacid ee ah inuu ku guuleysto xilka madaxweynaha Soomaaliya ay sare u kacday, marka la eego isbahaysiga siyaasadeed ee uu ka qeyb ka yahay.
Saacid oo ah siyaasi rug-caddaa ah, deggan, isla markaana leh heer kalsooni sare, ayaa dad badan u arkaan inuu noqon karo qofka ka soo dhex baxa loolanka siyaasadeed ee buuqa badan ee Soomaaliya, uuna yahay mid ay dhinacyo badan ku qanci karaan.













