Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidamo la rumeysan yahay inay ka tirsanaayeen maamulkii hore ee Koonfur Galbeed ee uu hoggaaminayay Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa la sheegay inay gaareen deegaanno ka tirsan gobolka Gedo.
Ciidamadan oo wata hub iyo gaadiid dagaal ayaa la sheegay inay gaareen degmada Doolow, iyagoo safar dhanka dhulka ah uga soo baxay deegaanno ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.
Dhaq-dhaqaaqan ayaa imanaya xilli xaalado amni iyo siyaasadeed ay ka taagan yihiin qaybo ka mid ah gobollada Koonfur Galbeed, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin ujeedka safarkooda.
Ciidamadan oo ka tirsanaa Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa la sheegay in saaka loo diiday inay ka gudbaan degmada Luuq, balse ay adeegsadeen waddo kale oo ay ku gaareen degmada Doolow.
Waxaa sidoo kale soo baxaya warar sheegaya in Dowladda Federaalka ay xabsi guri gelisay Guddoomiyaha degmada Baydhabo Cabdullaahi Watiin, oo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa qorshaha ay ku baxeen ciidamadaas. Tallaabadan ayaa uga sii dari karta xiisadda magaalada Baydhabo.
Dhawaan ayay aheyd markii Dowladda Federaalka ay sheegtay inay ku guuleysatay in dib magaalada Baydhabo loogu soo celiyo ciidamo taabacsanaa maamulkii Lafta-gareen, kuwaas oo horey ugu sugnaa deegaanka Awdiinle ee gobolka Baay.
Sidoo kale, dhacdadan cusub ayaa imaneysa maalmo kadib markii la sheegay in koox hubeysan ay weerar ku qaadeen ciidanka badbaadada Koonfur Galbeed, oo ay ka dileen askar.
Si kastaba, ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqyada ciidamadan iyo halka ay ku dambeeyaan.
Xiisaddan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay dowladda qorsheysanayso inay maamulka Koonfur Galbeed ka qabato doorashooyin qof iyo cod ah, taas oo ay diidan yihiin ciidamada taabacsan madaxweynihii hore Cabdicasiis Lafta-gareen.

