25.9 C
Mogadishu
Saturday, April 25, 2026

DF oo kala caddeysay in Israa’iil ay ka mamnuucday Bab al-Mandab iyo in kale

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beeniyey warar si weyn loo faafiyay oo sheegayay in Muqdisho ay ka mamnuucday maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil inay maraan marin-biyoodka Bab al-Mandab, iyagoo caddeeyay inuusan jirin go’aan noocaas ah oo la qaatay.

Mas’uuliyiintan ayaa tilmaamay in sheegashadan ay salka ku hayso fasiraad khaldan oo laga bixiyay hadallo uu jeediyay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya iyo Midowga Afrika.

Ilo-wareedyo ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxtooyada Villa Somalia oo la hadlay Caasimada Online ayaa xaqiijiyay in aysan waxba kala socon go’aan, wareegto ama amar badeed oo arrintan la xiriira.

Waxay carrabka ku adkeeyeen in aysan jirin hay’ad federaal ah oo ku dhawaaqday mamnuucid ama soo saartay habraacyo hawlgal oo lagu xaddidayo maraakiibta lala xiriirinayo Israa’iil ee mara Bab al-Mandab ama marin kasta oo caalami ah.

Warbaahinta dowladda Iiraan iyo xarumo warbaahineed oo fadhigoodu yahay Yemen ayaa ahaa kuwii ugu horreeyay ee baahiyay wararkan, iyagoo ku andacooday in Soomaaliya ay “xirtay” marinka Bab al-Mandab si ay uga aarsato aqoonsiga ay Israa’iil siisay maamulka Somaliland.

Haddallo si khaldan loo fasiray

Danjire Cabdullaahi Warfaa ayaa jeediyay hadallo dhaliyay sheegashadan, isagoo ka digay in faragelinta shisheeye ee madax-bannaanida Soomaaliya ay yeelan karto cawaaqib-xumo, oo ay ku jiraan xannibaado suurtagal ah oo la xiriira marinnada istaraatiijiga ah ee badda.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa sheegay in hadallada Warfaa ay ahaayeen digniin siyaasadeed oo ku aaddan difaaca wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, balse aysan ahayn ku-dhawaaqis rasmi ah oo go’doomin ah. Waxay xuseen in qaar ka mid ah warbaahinta shisheeye iyo baraha bulshada ay si khaldan u soo bandhigeen hadalladan, iyagoo ka dhigay go’aan toos ah oo dowladda Soomaaliya ay ku beegsanayso maraakiibta Israa’iil.

Ma jirto hay’ad dowladeed oo Soomaaliyeed oo ku dhawaaqday siyaasad noocaas ah, mana jirto hay’ad qaabilsan arrimaha badda oo soo saartay ogeysiis lagu mamnuucayo in maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil ay maraan marinka Bab al-Mandab.

Sheegashadan ayaa sidoo kale wajaheysa caqabad weyn oo dhanka xaqiiqada ah. Marinka Bab al-Mandab wuxuu kala baraa Yemen iyo dalalka Jabuuti iyo Ereteriya, mana aha marin ku yaalla Soomaaliya.

Soomaaliya maamusho midna labada dhinac ee marin-biyoodkan, mana laha awood qaran oo ay ku xaddidi karto isku-socodka maraakiibta ee halkaas. Falanqeeyayaasha arrimaha badda ayaa tilmaamaya in Soomaaliya ay sidoo kale ka maqan tahay awooddii ciidamada badda, kuwa cirka iyo gantaallada ee loo baahnaa si loo soo rogo ama loo fuliyo go’doomin ka dhan ah mid ka mid ah marinnada badda ee ugu xasaasisan adduunka.

Wararkan xaqiiqada ka fog ayaa soo baxaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha diblomaasiyadeed, kaddib markii Israa’iil ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah ugu aqoonsada Somaliland dowlad madax-bannaan bishii Diseembar 2025, tallaabo ay Soomaaliya ku cambaaraysay in ay tahay weerar sharci-darro ah oo lagu qaaday madax-bannaanideeda iyo wadajirkeeda dhuleed.

Israa’iil ayaa bishan sii qoto dheereysay khilaafka, kaddib markii ay Michael Lotem u magacawday safiirkeedii ugu horreeyay ee aan fadhigiisu ahayn Somaliland. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa si kulul u cambaaraysay magacaabistaas, iyadoo ku tilmaantay xadgudub toos ah oo ka dhan ah qaranimada iyo midnimada Soomaaliya.

Dhacdo burcad-badeednimo

Dhacdo kale oo ka gaar ah tan, Hay’adda Howlgallada Ganacsiga Badda ee Boqortooyada Ingiriiska (UKMTO) ayaa sheegtay in laba doonyood oo yaryar oo hubeysan ay ku soo dhawaadeen markab xamuul ah oo qiyaastii 83 mayl-badeed u jira koonfur-bari degmada Eyl ee Soomaaliya.

Mid ka mid ah doonyaha ayaa u soo jirsatay 600 oo mitir, taas oo ku qasabtay shaqaalaha markabka inay ridaan rasaas digniin ah. Doontii laga shakiyay ayaa dib u soo riday rasaas kahor inta aysan iska laaban. Mas’uuliyiinta ayaa xaqiijiyay in dhammaan shaqaalihii markabka ay nabad qabaan.

Mas’uuliyiin Soomaali ah iyo korjoogayaasha arrimaha badda ayaa sheegay in dhacdadan aanay la xiriirin khilaafka diblomaasiyadeed ee Somaliland ama wararka beenta ah ee ku saabsan Bab al-Mandab.

Waxay xuseen in dhacdadani ay u muuqato mid la xiriirta falalka burcad-badeednimada ee sanadaha badan ka jiray xeebaha Soomaaliya, beddelkii ay ka tarjumi lahayd tallaabo cusub oo badeed oo ay dowlad taageereyso, taas oo la xiriirta xiisadda gobolka ee taagan.

Marinka Bab al-Mandab ayaa weli ah mid ka mid ah marin-biyoodyada ugu xasaasisan adduunka, isagoo isku xira Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya. Qalalaase kasta oo halkaas ka dhaca wuxuu saameeyaa isku-socodka u dhexeeya Aasiya, Yurub iyo Bariga Dhexe, oo ay ku jiraan shixnadaha shidaalka, gaaska iyo konteenarada.

Marinkan ayaa markii horeba wajahayay cadaadis weyn oo kaga imaanayay weerarada Xuutiyiinta ay ku hayaan maraakiibta ganacsiga ee Badda Cas, taas oo ku qasabtay maraakiib badan inay ka weecdaan marinkan oo ay beddelkeeda ku wareegaan koonfurta qaaradda Afrika.

War kasta oo ku saabsan xannibaad cusub oo aaggaas ah ayaa halis u ah inay sii geliso baqdin shirkadaha maraakiibta, kuwa ceymiska iyo dowladaha gobolka ee durba la tacaalaya xasillooni-darrada bilihii la soo dhaafay ka taagnayd Badda Cas.

Si kastaba, mas’uuliyiinta Muqdisho ayaa caddeeyay in muhiimadda koowaad ay weli tahay difaaca madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya iyadoo loo marayo waddooyinka diblomaasiyadeed iyo kuwa sharciga ah, ee aysan ahayn in la furo iska-hor-imaad badeed oo aysan ku dhawaaqin, awoodna u lahayn inay fuliyaan. 

- Advertisement -

Read more

Local News