Baydhabo (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dib-U-Heshiisiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya, Maxamed Isaaq Ismaan (Fanax) oo wareegto soo saaray ayaa maamul cusub u magacaabay magaalada Baydhabo oo ay haatan ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ku aadan doorashada kusoo foodka leh Maamulka Koonfur Galbeed.
Wasiirka ayaa Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan (Sate) u magacaabay inuu noqdo Gudoomiyaha Degmada Baydhabo, ahna duqa magaalada, sida lagu caddeeyay wareegtada.
“Wasiirka waxaa go’aamiyay qodobka 1aad: Maanta tr. 25 April 2026 wuxuu magacaabay gudd. Degmada Baydhabo ahna duqa magaalada. Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan (Sate) Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, ahna duqa magaalada”. ayaa lagu yiri wareegtada.
Sidoo kale, wasiirka ayaa faray laamaha amniga iyo maamulka gobolka Baay inay la shaqeeyaan mas’uulka cusub ee lasoo magacaabay, si uu u guto waajiaadka shaqo ee loo igmaday xiligaan xasaasi ah.
“Waxaan maamulka Gobolka Baay iyo dhammaan laamaha amniga Degmada Baydhabo la farayaa inay fuliyaan wareegtada. Magacaabistan waxey dhaqan galeysaa markuu saxiixo Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Koonfur Galbeed” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.
Guddoomiyaha iyo duqa cusub ee loo magacaabay Baydhabo ayaa beddalaya Cabdullahi Watiin oo kamid ahaa saaxibadii aadka ugu dhawaa madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen oo haatan dibad joog ah.
Watiin ayaa maalmo kahor lagu sameeyay hub ka dhigis, kadib markii looga shakiyay inuu si hoose ula shaqeynayay maamulkii hore, gaar ahaan ciidankii Lafta-gareen ee maalmo kahor gaaray qaybo kamid ah gobolka Gedo.
Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa u muuqdo kuwa ay dowladda ku xakamayneyso xaaladda kacsan ee Koonfur Galbeed, kadib markii ciidamadii taabacsanaa Lafta-gareen ay maalmo kahor ku dhawaaqeen in dowladda dhexe aysan doorasho ka qaban karin magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.


