Washington (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Mareykanka ayaa xiray nin hubeysan oo lagu eedeeyay inuu xoog ku galay barxadda hore ee hoolka ay ka socotay Casho-sharafeedka Wariyeyaasha Aqalka Cad (WHCA) oo ka dhacaysay hoteel ku yaalla magaalada Washington, DC, taas oo uu ka qaybgalayay Madaxweyne Donald Trump.
Dhawaqa rasaasta ayaa sababtay in si degdeg ah goobta looga saaro madaxweynaha iyo xubnaha golihiisa wasiirrada, iyagoo laga fogeynayo munaasabadda warbaahinta ee habeenkii Sabtida ka socotay hoteelka Washington Hilton. Madaxweyne Trump ayaa markii dambe dhacdadan ku tilmaamay weerar uu geystay “shakhsi doonayay inuu khaarajiyo”.
Ciidamada ammaanka ayaa rasaas ku furay eedeysanaha kaddib markii uu xoog ku dhaafay bar-koontarool oo ku taalla bannaanka hoolka hoteelka, halkaas oo ay isugu yimaadeen madaxweynaha, Marwada Koowaad Melania Trump, mas’uuliyiin sarsare iyo boqollaal marti sharaf ah.
Ninkan oo warbaahinta Mareykanku ay magaciisa ku sheegtay Cole Tomas Allen oo 31 jir ah, ayaa lagu xiray goobta ay wax ka dhaceen, inkastoo aan weli la soo saarin xaqiijin rasmi ah oo ka timid laamaha dowladda.
Xaalad argagax leh ayaa hareereysay madasha, iyadoo dadku ay gabaad ka dhigteen miisaska hoostooda xilli ciidamada ilaalada gaarka ah ee Secret Service ay buux dhaafiyeen munaasabadda quruxda badan ee sanadlaha ah.
“Nin ku hubeysan hub kala duwan ayaa soo weeraray bar-koontarool oo ammaan ah, waxaana dhulka dhigay xubno aad u geesiyaal ah oo ka tirsan Secret Service-ka,” ayuu Trump ku yiri shir jaraa’id oo uu ku qabtay Aqalka Cad wax yar kaddib markii ay dhacdadani dhacday.
Madaxweynaha ayaa intaas raaciyay in laamaha amnigu ay aaminsan yihiin in ninku uu ahaa gacan-ku-dhiigle keligiis socday, isaguna uu dareenkaas la qabo. Hadalkan ayuu jeediyay kaddib markii uu soo bandhigay muuqaal muujinaya eedeysanaha oo si xawli ah ku dhaafaya ciidamada amniga iyadoo ilaaladuna ay qoryahooda la soo baxayaan.
Maxaa laga og yahay Cole Tomas Allen?
Saraakiisha fulinta sharciga oo aan wali si rasmi ah u shaacin magaca ninkan ayaa sheegay inuu deggen yahay magaalada xeebta ah ee Torrance ee gobolka California, taas oo ku taalla xaafadda South Bay ee u dhow Los Angeles.
Taliyaha waaxda booliska ee Washington, DC ayaa sheegay in baarayaashu ay aaminsan yihiin in eedeysanuhu uu hoteelka deggenaa maadaama uu marti ku ahaa, inkastoo aan wali la ogaan ujeeddada dhabta ah ee falkan ku riixday.
Qoraallo la soo dhigay barta Facebook oo u muuqda inay la xiriiraan Allen ayaa muujinaya in bishii Diseembar 2024 loo aqoonsaday “Macallinkii Bisha” ee laanta Torrance ee xarunta C2 Education, oo ah shirkad bixisa tababarro gaar ah iyo diyaargarowga imtixaannada ardayda u socota jaamacadaha.
Sidoo kale, boggiisa xiriirka xirfadleyda ee LinkedIn ayaa ninkan ku sifeeyay inuu yahay injineer farsamo iyo saynisyahan kombuyuutar, horumariye Games, iyo inuu yahay macallin dabiici ah.
Diiwaannada maaliyadda ee ololaha doorashooyinka federaalka ayaa muujinaya in Allen uu 25 doolar ugu deeqay guddi taageerayay ololihii madaxweynenimo ee Kamala Harris sanadkii 2024. Dhanka kale, Madaxweyne Trump oo la hadlay suxufiyiinta ayaa meesha ka saaray in toogashadan ay xiriir la leedahay dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay kula jiraan Iiraan, isagoo caddeeyay in aysan jirin wax caddaynaya arrintaas, weerarkuna uusan ka hor istaagi doonin guusha dagaalkaas.
Marka la eego tallaabooyinka amniga ee hoteelka, sii-hayaha xilka taliyaha booliska caasimadda, Jeffery Carroll, ayaa saxafiyiinta u sheegay Sabtidii in baarayaashu rumeysan yihiin in eedeysanaha uu deggenaa hoteelka, taasina ay tahay sida uu ugu suurtagashay inuu halkaas ku sugnaado xilliga munaasabadda.
Hoteelka ayaa guud ahaan laga xiray dadweynaha laga bilaabo 2-dii duhurnimo ee Sabtida si loogu diyaar-garoobo cashada oo bilaabanaysay 8-dii fiidnimo. Iridda hore, tobanaan qof oo dibadbaxayaal ah ayaa isugu yimid roobka dhexdiisa, kuwaas oo inta badan dhaliilayay warbaahinta ka qaybgalaysay munaasabadda.
Gelitaanka hoteelka ayaa lagu xaddiday martida halkaas deggen, dadka sita tikidhada cashada, dadka haysta casuumaad, ama dokumiintiyo cadeynaya inay ka tirsan yihiin munaasabadda. Ku dhawaad 2,300 oo marti ah oo ku sugnaa hoolka weyn ee dhulka hoostiisa ah ayaa maray baaritaanno dhowr ah oo adag oo ay ka mid ahaayeen in la marsiiyo aaladaha baarista biraha ee ay gacanta ku hayeen hay’adaha amniga.
Muuqaal uu faafiyay Trump ayaa muujinayay eedeysanaha oo orod ku dhaafaya saraakiil amni oo u muuqday inay furfurayaan aaladaha baarista biraha. Maadaama madaxweynuhu uu fariistay hoolka, lama oggolayn in dad dheeraad ah ay soo galaan aagga la sugay, waana sababta aaladahaas loo furfurayay.
Agaasimaha Secret Service-ka, Sean Curran, iyo Taliye Carroll ayaa labaduba isku raacay in nidaamkii amniga ee la qorsheeyay uu si buuxda u shaqeeyay. Balse, wariye Richard Gaisford oo Al Jazeera uga soo warramayay Washington, DC ayaa sheegay in isha lagu hayn doono bal in amnigu ahaa mid ku filan iyo in kale, isagoo intaas ku daray in maanta heli doono xog dheeraad ah oo ku saabsan ujeeddada ninkan.
Isku dayadii hore ee ka dhanka ahaa Trump?
Dhacdadani ma aha tii ugu horreysay ee la beegsado Madaxweyne Trump.
Wuxuu horay ula kulmay dhowr isku-day khaarajin iyo hanjabaado dil ah intii uu xilka hayay iyo xilliyadii ololaha. Weerarkii ugu halista badnaa wuxuu dhacay bishii Luulyo 2024 isu-soo-bax ka dhacay Butler, Pennsylvania, markaas oo nin hubeysan uu rasaas kasoo riday saqafka kore ee dhisme u dhowaa masraxa. Dhacdadaas waxaa lagu dilay hal qof, Trump ayaa dhegta laga dhaawacay, ilaaladuna waxay toogasho ku dileen ninkii weerarka soo qaaday oo 20 jir ahaa lana oran jiray Thomas Crooks.
Bilo kaddib, bishii Sebtembar, mas’uuliyiinta ayaa sheegay in nin hubeysan uu ku dhuuntay garoonka Golf-ka ee Trump ee West Palm Beach, isagoo qorsheynayay inuu dilo madaxweynaha. Eedeysanahaas, Ryan Routh, ayaa la qabtay ka hor inta uusan rasaas ridin, wuxuuna bishii Febraayo ee sanadkan ku mutaystay xukun xabsi daa’im ah.
Isla bishaas Febraayo, wiil 21 jir ah oo lagu magacaabo Austin Tucker Martin ayaa isna toogasho lagu dilay kaddib markii uu qori la galay xarunta nasashada ee Mar-a-Lago ee gobolka Florida, inkastoo madaxweynuhu uusan xilligaas ku sugnayn dhismaha.

