29.3 C
Mogadishu
Monday, April 27, 2026

Saddex hab oo Turkiga uu ku ciqaabi karo Israa’iil, haddii xiisadda ay ka sii darto

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Ankara (Caasimada Online) – Dagaalka dhanka afka ah ee u dhexeeya dalalka Turkiga iyo Israa’iil ayaa si weyn u xoogeystay toddobaadyadii la soo dhaafay, taas oo bannaanka soo dhigtay khilaaf qoto dheer oo u dhexeeya labadan awoodood ee gobolka.

Wejiga ugu dambeeyay ee cadaawaddan ayaa billowday markii xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee magaalada Istanbul uu dacwad kusoo oogay 35 shakhsi, oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu. Eedeymahan ayaa salka ku haya weerarkii sanadkii hore lagu qaaday doonyaha gargaarka ee Global Sumud Flotilla xilli ay marayeen biyaha caalamiga ah.

Dacwadda xeer-ilaaliyaha, oo lagu dalbaday xabsiyo dhaadheer, ayaa Netanyahu u arkay tallaabo sii hurinaysa xiisadda. Maadaama lagu jiro sanad doorasho, ra’iisul wasaaraha Israa’iil wuxuu u baahnaa inuu difaaco sumcaddiisa siyaasadeed, gaar ahaan xilli xabbad-joojinta Mareykanka iyo Iiraan ay hoos u dhigtay taageeradiisii gudaha dalkiisa.

Si uu uga jawaabo, Netanyahu ayaa adeegsaday barta xiriirka bulshada ee X, isagoo ku eedeeyay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan inuu xasuuqayo muwaadiniintiisa Kurdiyiinta ah. Netanyahu, weerarka uu ku qaaday Erdogan ayaa laga yaabaa inuu ahaa tallaabo siyaasadeed oo lagama maarmaan u ah si uu u kasbado cod-bixiyayaasha aan weli go’aanka gaarin.

Isla xilligaas, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Israa’iil, Naftali Bennett, ayaa isna soo dhexgalay khilaafka, isagoo weerar afka ah oo kulul ku qaaday Turkiga. Bennett ayaa Turkiga ku sifeeyay “Iiraanta cusub”, isagoo horay u sii tilmaamay in suurtagal ay tahay in tallaabo laga qaado Ankara, wuxuuna yiri “Iiraan kaddib, faro-laab kuma fadhin doonno.”

Dagaalkan afka ah ma aha uun mid siyaasadeed, balse wuxuu abuuray cabsi ah in labada dal ay isku dhici karaan. Waa in la xusuusnaadaa in markii horeba ay jireen khilaafyo xooggan oo u dhexeeya labada waddan, kuwaas oo salka ku haya dagaalka xasuuqa ah ee Israa’iil ay ka waddo Gaza, dowladda cusub ee ka dhalatay Suuriya, iyo loollanka guud ee gobolka—oo ay ku jirto xiriirka sii xoogeysanaya ee Israa’iil ay la leedahay dalalka Greece iyo Qubrus.

Haddaba, maxaa dhici kara haddii Turkiga iyo Israa’iil ay qaadaan tallaabooyin adag oo ay ku gooyaan xiriirkooda diblomaasiyadeed, ayna galaan iska-hor-imaad?

Qulqulka shidaalka

Falanqeeyayaal badan ayaa ku dooday in Turkigu uu joojin karo qulqulka shidaalka Azerbaijan ee soo mara dhuumaha Baku-Tbilisi-Ceyhan, haddii amnigiisa qaran uu halis galo. Shidaalkan ayaa la sheegay inuu daboolo qayb weyn oo ka mid ah baahida tamarta Israa’iil, isagoo bixiya ku dhawaad boqolkiiba 50 isticmaalkeeda shidaalka.

Inkastoo Turkigu uu cunaqabateyn ganacsi saaray Israa’iil tan iyo bishii May 2024, haddana shidaalku wuu sii socday, iyadoo la sheegay in ganacsatada iyo iibsadayaashu ay adeegsanayaan habab isku-dhafan si ay u sii wadaan socodka shidaalka, oo ay ku jirto adeegsiga maraakiibta si qarsoodi ah u shaqeysa ee loo yaqaano (shadow fleet).

Haddii Turkigu uu adeegsado awoodda uu ku leeyahay Azerbaijan oo uu xiro tuubooyinka, shaki la’aan waxay abuuri doontaa carqalad muddo gaaban ah, balse lama oga inta ay sii socon doonto.

Xilligan, ma jiraan cunaqabateyno caalami ah oo dhanka tamarta ah oo saaran Israa’iil, waxayna shidaal ka iibsan kartaa suuqyada furan. Intaas waxaa dheer, mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa muddo dheer ku doodayay in iibsashada shidaalka Azerbaijan ay u adeegayso ilaalinta xiriirka wanaagsan ee ay la leeyihiin xukuumadda Baku, isla markaana Asarbajaan ay dooneyso inay dhowrto iskaashigaas istaraatiijiyadeed.

Xayiraadda hawada

Tallaabo kale oo ciqaab ah oo inta badan laga doodo ayaa ah in Turkigu uu hawadiisa ka xiro duullimaadyada rayidka ah ee Israa’iil. Tani waxay horseedi kartaa koror ku yimaada qiimaha tikidhada shirkadaha diyaaradaha ee Israa’iil iyo kuwa caalamiga ah.

Jidadka dhaadheer waxay ka dhigan yihiin isticmaalka shidaal badan, saacadaha shaqada shaqaalaha oo kordha iyo carqaladeyn ku timaada jadwalka duullimaadyada, kuwaas oo dhammaantood sababi kara in qiimaha tikidhada ay qaali ku noqdaan shacabka Israa’iil, faa’iidada shirkadahana ay hoos u dhacdo.

Gaarista dalalka sida Ruushka iyo Azerbaijan ayaa noqon karta mid dhib badan, balse dhibaatooyinkaas waxaa lagu yareyn karaa in laga duulo dul-mareenka Badda Madow (Black Sea).

Sidoo kale, duullimaadyada kale ayaa laga weecin karaa hawada Turkiga. Helitaanka Israa’iil ee marinnada hawada ee beddelka ah—sida hawada Sacuudi Carabiya iyo dalalka kale ee gobolka oo si tartiib-tartiib ah u furmayay sanadihii la soo dhaafay—ayaa si weyn u yareynaya saameynta istaraatiijiyadeed ee xayiraad kasta oo ka timaada Turkiga, balse dalalkaas ayaa suurta-gal ah in ay dib uga xertaan hawadooda Israa’iil.

Ganacsiga laba geesoodka ah

Ganacsiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Turkiga iyo Israa’iil ayaa si weyn hoos ugu dhacay tan iyo markii la soo rogay cunaqabateynta ganacsiga, balse qaar ka mid ah badeecadaha Turkiga ayaa weli Israa’iil ku gaara ayaga oo maraya dalal saddexaad.

Dalxiisayaasha Israa’iil ee taga Turkiga, inkastoo ay gaareen tobanaan kun sanadkii 2025, haddana ma aha kuwo tiro ahaan saameyn weyn leh oo dhaawac dhaqaale gaarsiin kara Israa’iil haddii Ankara ay ka hor istaagto inay u safraan dalkeeda.

Awoodda xaddidan ee Ankara ay ku leedahay Israa’iil ayaa ka dhalatay isku-tiirsanaan la’aanta dhabta ah ee u dhexaysa labada waddan. Ganacsiga laba geesoodka ah ayaa horay u ahaa mid si weyn faa’iido ugu leh Turkiga, balse in badan oo ka mid ah ayaa la hakiyay sababo la xiriira xasuuqa Gaza.

Halka il ee laga yaabo in lagu gor-gortami karay waxay ahaan lahayd mashruuca dhuumaha gaaska ee EastMed oo muddo dheer laga wada hadlayay, kaas oo la doonayay inuu gaaska Israa’iil iyo Falastiin geyso Turkiga si looga dhoofiyo qaaradda Yurub. Balse dagaalka Israa’iil ay ku qaadday Gaza ayaa gabi ahaanba meesha ka saaray mashruucaas.

Marka laga soo tago dhismaha awooddiisa milateri, maalgashiga warshadaha difaaca iyo xoojinta awooddiisa is-horteegga, xukuumadda Ankara waxay u muuqataa inay isku dayayso inay saameyn ku yeelato dhaqanka Israa’iil iyadoo sii xoojinaysa xiriirka ay la leedahay dalalka gaashaanbuurta NATO iyo isbaheysiga ay la leedahay awoodaha waaweyn ee gobolka sida Pakistan, Sacuudi Carabiya iyo Masar.

Turkiga ayaa u muuqda mid aaminsan in xiriirka isku-dhafan ee uu la leeyahay Midowga Yurub, doorkiisa muhiimka ah ee qaab-dhismeedka amniga Yurub, xiriirka gaarka ah ee uu la leeyahay Ruushka iyo Ukraine, iyo cilaaqaadka sii kordhaya ee qaaradaha Afrika iyo Aasiya, ay ku filan yihiin inay abuuraan lakabyo difaac oo ka hortagi kara in xiisaddu ay gaarto heer gacan-ka-hadal ah mustaqbalka.

- Advertisement -

Read more

Local News