Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa si adag uga horyimid tallaabo kasta oo ka hor imanaysa dastuurka cusub iyo sharciga doorashooyinka qaranka, xilli uu shalay guddoomiyaha gobolka Banaadir uu magacaabay guddoomiye degmo.
Guddiga doorashooyinka ayaa caddeeyay in golayaasha deegaanka ee ku soo baxay doorashadii 25-ka December 2025, loona dhaariyay xilkaas 2-dii April 2026 ay yihiin golayaal rasmi ah oo ka tirsan maamulada degmooyinka gobolka Banaadir.
Xubnahan ayuu guddigu sheegay inay u dhiman tahay oo kaliya inay iska dhex doortaan guddoomiyaasha degmooyinka iyo ku-xigeennadooda si ay ula wareegaan xilka iyo waajibaadka loo igmaday.
“Guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ee hadda xilka haya waxay ku jiraan marxaladda xilgaarsiinta, mas’uuliyadooduna waxay ku egtahay inta laga soo dooranayo guddoomiyaasha iyo ku-xigeennada degmooyinka, sida kor ku xusan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed uu caawa soo saaray guddiga doorashooyinka.
Sidoo kale waxaa lagu yiri: “Talaabo kasta ee Maamul oo kahor imaaneysa Dastuurka JFS iyo sharciga doorashooyinka qaranka waa mid aan sal sharci lahayn, waxaana aan ka badaleynin dhamaystirka dhismaha maamulada degmooyinka gobolka Banaadir.”
Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa shalay guddoomiye cusub u magacaabay degmada Dayniile, taas oo hadal-hayn badan dhalisay, isla markaana keentay in guddigu caawa kasoo saaro war-saxaafadeed.
“Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ayaa kula dardaarmay guddoomiyaha cusub ee Degmada Dayniile, Mudane Cabdiraxmaan Macallim Xuseen, in uu mudnaan siiyo horumarinta degmada, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga ah,” ayaa lagu yiri wareegtada magacaabista ee kasoo baxday xafiiska Duqa Muqdisho.


