Islamabad (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa Khamiistii xaqiijisay inay xiriir dhow la leedahay dowladda Soomaaliya, kaas oo salka ku haya dhibaatada la haystayaasha u dhashay Pakistan ee saaran markab shidaal oo la afduubtay.
Toddobaadkii hore, kooxo burcad badeed hubeysan ayaa xeebaha Soomaaliya ka qafaashay markab shidaal qaada, iyagoo afduub ahaan u haysta 11 badmaax oo u dhashay dalka Pakistan iyo kabtankii markabka oo u dhashay dalka Indonesia.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan, Tahir Andrabi, oo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee toddobaadlaha ah, ayaa xaqiijiyay in burcad badeeddu ay sidoo kale wada-hadallo kula jiraan milkiilaha markabka.
Ilo diblomaasiyadeed ayaa xaqiijinaya in Dowladda Soomaaliya ay ballan-qaaday wadashaqeyn buuxda oo ay la yeelato Pakistan, si loo badbaadiyo loona hubiyo soo laabasho nabad-qabta oo ay helaan badmaaxayaasha laga qafaashay markabka shidaalka ee Honour 25.
Ilo-wareedyadan ayaa muujinaya in Soomaaliya ay si rasmi ah u bixisay dammaanad-qaad qoraal ah oo ay ku taageerayso hawlgallada samata-bixinta la haystayaasha. Dowladda Pakistan ayaa walaacan si toos ah ugala hadashay mas’uuliyiintii Soomaaliya markii ay soo baxday in burcad badeeddu ay la wareegeen kow iyo toban muwaadin oo u dhashay dalkeeda.
Dadaallo is-daba-joog ah ayaa xilligan socda kuwaas oo lagala shaqeynayo dowladda Soomaaliya si loo fududeeyo sii deynta shaqaalahaas. Dhanka kale, qoysaska la haystayaasha ayaa codsi degdeg ah u diray Ra’iisul Wasaaraha dalka, Shehbaz Sharif, iyo Taliyaha Ciidamada Badda, Admiral Naveed Ashraf, iyagoo ka baryay in tallaabo wax-ku-ool ah la qaado si eheladooda dib loogu soo celiyo iyagoo nabad qaba.
Afduubyada dib uga soo cusboonaaday xeebaha Soomaaliya ayaa dib u soo nooleeyay walaaca laga qabo in ay soo rogaal celiyaan weeraradii burcad badeedda fursad-doonka ah ee ka dhici jiray Badweynta Hindiya.
Weeraradii burcad badeedda ee xeebaha Soomaaliya ayaa heerkoodii ugu sarreeyay gaaray sanadkii 2011-kii, xilligaas oo kooxo hubeysan ay weeraro ka fuliyeen masaafo aad u fog oo gaareysa ilaa 3,655 kiiloomitir gudaha badda.
Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay cirka isku shareertay xiisadda gobolka, isla markaana carqalado xooggan ay ku yimaadeen marinnada maraakiibta ganacsiga, oo uu ku jiro marinka muhiimka ah ee Hormuz.
Isagoo ka hadlayay go’doominta marinkaas, Andrabi wuxuu sheegay inuu yahay waddo halbowle u ah ganacsiga badda iyo shixnadaha shidaalka ee caalamka, wuxuuna ku celiyay taageerada dalkiisa ee ku aaddan in si degdeg ah dib loogu soo celiyo isu-socodkii caadiga ahaa ee badda gobolka. “Xirnaanshaha marinka Hormuz wuxuu saameyn ba’an ku yeelanayaa adduunka oo dhan,” ayuu raaciyay.
Wuxuu si qoto dheer u sharraxay in furitaanka marinka Hormuz uu yahay mid lagama maarmaan u ah tamarta, ganacsiga, iyo saadka badeecadaha, isagoo yiri, “Waxaan rajeyneynaa in wada-xaajoodyadu ay mira-dhalaan, waddadii ganacsigana dib loo soo celiyo.”
“Waxaan arrintan kala xiriirnay dhinacyada ay khuseyso. Marka ay timaado wada-xaajoodyada, talooyin cusub iyo kuwo horeba miiska ayay saaran yihiin. Waxaan rajeyneynaa in nabadi ay hirgasho,” ayuu yiri Andrabi, isagoo tixraacayay dadaallada la doonayo in leeskugu soo dhaweeyo aragtiyada Mareykanka iyo Iiraan, lana soo afjaro cadaawadda iyo iska-hor-imaadka u dhexeeya labadaas dal.

