28.5 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Xisbiga Xasan Sheekh oo ku dhawaaqay musharaxooda Koonfur Galbeed

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay musharraxooda madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

JSP ayaa shaaciyay in Sheekh Aadan Madoobe oo haatan ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ay u garteen inuu noqdo Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Xisbiga ayaa hore Aadan Madoobe uga reebay musharraxiin gudaha xisbiga kula tartami lahaa, kuwaas oo ah siyaasiyiin miisaan leh, iyadoo hoggaanka xisbiga oo ah Madaxweynaha Soomaaliya uu ku qanciyay ballanqaadyo kala duwan, oo ay ka mid yihiin xilal.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Xoosh oo ka hadlay munaasabadda shaacinta musharraxnimada Sheekh Aadan Madoobe ayaa dadka reer Koonfur Galbeed ugu baaqay inay doortaan Aadan Madoobe.

“Ilaahay mahaddii weeye in umadda Soomaaliyeed iyo idinkoo isku duuban loo garto Madaxweynaha Koonfur Galbeed. Ha la doorto ninka ku habboon, oo ah Madaxweyne Sheekh Aadan Maxamed Nuur,” ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh.

Villa Soomaaliya oo galaangal xooggan ku leh doorashada Koonfur Galbeed ayaa muddaba ka shaqeynaysay sidii maamulkaasi loo geyn lahaa shaqsi daacad u ah, waxaana Aadan Madoobe loo arkaa guuleyste la sii saadaalinayo, maadaama uu haysto taageerada hoggaanka federaalka iyo garab ka mid ah siyaasiyiinta deegaanka.

Madoobe ayaa sida muuqata waddada loo sallaxay, iyadoo Villa Soomaaliya ay ka reebtay Xuseen Sheekh Maxamuud oo ahaa saaxiib aad ugu dhow Madaxweyne Xasan Sheekh. Sida aan hore u baahinay, Madaxweynaha ayaa agaasimihii hore ee Villa Soomaaliya ku qanciyay inuu tartanka uga haro Aadan Madoobe.

Si kastaba, arrintan ayaa tartanka ka dhigaysa mid aan u muuqan mid furan, gaar ahaan maadaama Baydhaba ay hadda ku jirto marxalad kala-guur ah oo dowladda federaalka ay saameyn xooggan ku leedahay.

Hoos ka daawo muuqaalka

- Advertisement -

Read more

Local News