28.3 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Shariif oo arrimo yaab leh ka sheegay doorashada Baydhabo + Video

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay shirka jaraa’id ee ay galabta mucaaradka ku qabteen magaalada Muqdisho ayaa farta ku fiiqay arrimo yaab leh oo ka taagan doorashada Koonfur Galbeed ee ka socoto Baydhabo.

Shariif ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay lacag ka sameyneyso doorashooyinkaas, isla markaana qofka laga qaadayo lacag kun dollar ah iyo ka badan.

Madaxweynihii hore ayaa xusay in sidoo kale la adeegsanayo lacagihii laga sameeyay dhulalka danta guud ee la burburiyay, kadibna laga macaashay.

“Hadda waxa Baydhabo ka dhacayo haddii laguu sheego madaxa ayaan qabsaneysaa waxaan kasii yaabay in lacag laga sameynaayo qofkii waxaa laga rabaa kun dollar oo meel ah iyo 150 meel ah lacag ayaa laga sameynaa,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale wuxuu intaas sii raaciyay “Dhulka ayaa la gaday Baydhabo ayaa loo diray, xittaa haddii aad adiga isa soo sharaxdo oo is qortid ma arkeysid.”

Dhanka kale, Shariifka ayaa ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh inuu u turo dadkiisa, isla markaana uu talada dhulka dhigo, si loo badbaadiyo dalka.

“Madaxweynow dalkan dhibka aad gaarsiin karto waa gaarsiisay intaan ayaa culays ku ah imaanka Alle haku galsho iska fariiso intaan ka badan lama qaadi karo waa la dhibtooday,” ayuu mar kale yiri madaxweynihii hore ee dalka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maanta xubnaha mucaaradka ay soo saareen go’aanno xasaasi ah oo ku aadan xaaladda cakiran ee dalka, waxayna sheegeen in marka la gaaro 15 May 2026 ay Madaxweynaha u aqoonsan doonaan qof shacab ah, uuna lamid noqon doono muwaadiniinta kale.

Waxaa kale oo ay si cad u sheegeen inay ku dhaqmi doonaan dastuurkii KMG ee horay loogu soo doortay madaxweynaha iyo baarlamaanka, iyaga oo diiday midka cusub ee dhawaan ee ay ansixiyeen labada gole.

- Advertisement -

Read more

Local News