29.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Jadwalka doorashada hoggaannada K/Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle oo la shaaciyay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa galabta shaaciyay jadwalka dhameystiran ee doorashooyinka qof iyo cod ee dowlad-goboleedyada dalka.

Jadwalka guddiga uu soo saaray ayaa waxaa qeyb ka ah goorta ay dhacayaan hoggaannada maamul goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle iyo sidoo kale doorashooyinka golaha wakiillada maamulladaasi.

Doorashada hoggaamiyaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa qabsoomeysa 23-ka bishan May, halka doorashada hoggaamiyayaasha Galmudug iyo HirShabelle ay dhici doonto 9-ka July 2026, sida ku cad jadwalka uu soo saaray guddiga doorashooyinka qaran.

Sidoo kale, jadwalkan doorasho ayaa waxaa ku jira kan gobolka Banaadir, iyadoo golaha caasimadda la qabanayo 30-ka July 2026, halka doorashada duqa iyo ku-xigeennadiisa ay dhaceyso 5-ta August 2026, sida uu qorsheeyay guddiga.

“Golaha deegaanka ee maamulka waxay dhaceysa 30-ka July 2026. Sidoo kale waxaa iyadna isla maalintaas qabsoomeysa doorashada golaha deegaanka gobolka Gedo ee maamulka Jubaland,” sida ku xusan jadwalka doorashooyinka.

Dhinaca kale, guddiga ayaa sheegay inuu soo saari doono xeer-nidaamiyeyaal, habraacyo iyo tilmaamo farsamo oo faah-faahsan, kuwaas oo si cad u qeexaya dhammaan marxaladaha doorashada iyo dhaqan gelintooda xilliyada ku habboon.

“Guddigu wuxuu si gaar ah u adkeynayaa muhiimadda ay leedahay: daah-furnaanta, isla xisaabtanka iyo ilaalinta anshaxa doorashada iyo dhex-dhexaadnimada, si loo dhiso kalsoonida guud ee geeddi-socodka doorashada.”

Sidoo kale guddiga ayaa wuxuu ugu baaqay dhammaan ururrada siyaasadda, musharixiinta, hay’adaha dowladda, maamul goboleedyada, ururrada bulshada rayidka ah iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed inay si buuxda ugu hoggaansamaan jadwalkan iyo habraacyada la soo saarayo, si loo xaqiijiyo doorasho hufan, nabdoon oo lagu kalsoonaan karo.

“Guddigu wuxuu mar kale caddeynayaa sida ay uga go’an tahay in doorashooyinka dalka ay u dhacaan si xor iyo xalaal ah, daah-furan, isla markaana waafaqsan sharciga iyo mabaadi’da dimuqraadiyadda.”

Jadwalka cusub ee guddiga doorashooyinka uu soo saaray ayaa imanaya xilli ay dalka ka taagan tahay xiisad xooggan oo u dhexeysa hoggaanka dowladda federaalka iyo mucaaradka, taasi oo salka ku haysa hannaanka doorashada iyo dastuurka cusub ee la mariyay baarlamaanka Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News