Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa war rasmi ah ka soo saaray kiiska Sacdiyo Macalin Cali oo loo yaqaan Sacdiyo Bajaaj, taas oo maalmihii la soo dhaafay ku xirneyd xabsiga dhexe ee Muqdisho.
Bayaan ka soo baxay xeer ilaalinta ayaa lagu sheegay in dambiyada loo heysto Sacdiyo Macalin ay ka mid yihiin sumcad dil iyo kicin bulsho, kuwaas oo lagu tilmaamay eedeymo culus oo u baahan baaritaan dheeraad ah.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha ayaa caddeeyay in haatan ay wadaan baaris qoto dheer oo la xiriirta gal-dacwadeedka Sacdiyo, si loo xaqiijiyo sax ahaanshaha eedeymaha loo jeediyay.
Sidoo kale, xeer ilaalinta ayaa sheegtay in marka la soo gabagabeeyo baarista, galka dacwadda loo gudbin doono maxkamadda awoodda u leh, si halkaas loogu qaado tallaabo sharci ah oo waafaqsan nidaamka cadaaladda dalka.
“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku wuxuu adkaynayaa in ilaalinta sharciga, ka hortagga dambiyada, iyo difaaca sumcaddu ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee xaqiijinaya nabad waarta iyo horumar bulsho,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Waxaa sidoo kale qoraalka lagu xusay in hay’addu ay ka go’an tahay fulinta waajibaadkeeda sharci iyadoo aan loo eegin cid gaar ah, si loo ilaaliyo kala dambeynta iyo cadaaladda guud ee bulshada.
Si kastaba, ilaa iyo hadda qareenka ama qoyska Sacdiyo Macalin Cali kama aysan hadlin eedeymaha ay u jeedisay xeer ilaalinta qaranka, mana jirto wax jawaab rasmi ah oo kasoo baxday.
Xariga Sacdiyo Bajaaj ayaa kor usii qaaday xiisadda siyaasadeed ee mucaaradka iyo dowladda, iyadoo siyaasiyiinta mucaaradka ay dalbadeen in si degdeg ah xorriyadeeda dib loogu soo celiyo.

