28.5 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

Mareykanka oo la heshiinaya Eritrea, farriin digniin culus ahna u diray dowladda Itoobiya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) — Mareykanka ayaa lagu wadaa inuu cunaqabateyn ka qaado Eritrea, sida lagu sheegay dokumenti gudaha dowladda Mareykanka ah oo ay aragtay Reuters, tallaabo falanqeeyayaashu ku xiriiriyeen muhiimadda istiraatiijiga ah ee dalkaas uu ku leeyahay marinka ganacsiga ee Badda Cas.

Go’aankan ayaa u muuqda isku day Washington ay ku hagaajineyso xiriirka Asmara, oo muddo dheer ahaa mid qabow, xilli Eritrea ay leedahay xeeb dheer oo ku teedsan Badda Cas, kana soo horjeedda xeebaha Sacuudiga.

Falanqeeyayaal ayaa sidoo kale sheegay in tallaabadan ay fariin u tahay Itoobiya, oo muddooyinkii dambe si cad u muujisay rabitaankeeda ah inay hesho marin badeed.

Dukumentiga gudaha ee dowladda Mareykanka ayaa sheegay in Washington ay si cad Addis Ababa ugu gudbisay in aysan taageeri doonin isku day kasta oo lagu raadinayo marin badeed iyadoo xoog la adeegsanayo.

Fariintaas ayaa imaaneysa iyadoo xiisadda Itoobiya iyo Eritrea ay mar kale sare u kacday, kadib sannado ay labada dal mar xulafo ku ahaayeen dagaalkii Tigray, balse ay hadda ku kala fogaadeen danaha gobolka iyo arrinta Badda Cas.

Muhiimadda cusub ee Badda Cas 

Tallaabada Mareykanka ayaa kusoo beegmeysa xilli dagaalka Iran iyo xirnaanshaha Marinka Hormuz ay sare u qaadeen muhiimadda Badda Cas, oo ah marin muhiim u ah ganacsiga u dhexeeya Mediterranean-ka, Aasiya iyo Bariga Dhexe.

Marinka Hormuz, oo ku dhow xeebaha bari ee Sacuudiga, wuxuu ka mid yahay meelaha ugu xasaasisan ee shidaalka adduunka maro. Haddii marinkaas uu xirmo ama halis galo, Badda Cas iyo marinnada ku xiran waxay noqonayaan kuwo muhiim usii ah Mareykanka iyo xulafadiisa.

Eritrea waxay ku taallaa meel istiraatiiji ah oo ku dhow marinno badeed waaweyn, gaar ahaan jidka isku xira Badweynta Hindiya, Gacanka Cadmeed, Badda Cas iyo Kanaalka Suweys. Taas ayaa Asmara ka dhigeysa dal aan si fudud la isaga indho-tiri karin, inkastoo ay muddo dheer ahayd dowlad go’doonsan oo lagu eedeeyo xadgudubyo xuquuqda aadanaha ah.

Murithi Mutiga, oo ah agaasimaha barnaamijka Afrika ee International Crisis Group, ayaa sheegay in xirnaanshaha Hormuz uu ka dhigan yahay in Badda Cas ay noqon doonto goob loollanka ku sii weyn yahay, taasina ay muujineyso in Mareykanku doonayo inuu si xooggan ugu soo laabto gobolka.

Cunaqabateynta dagaalkii Tigray

Cunaqabateynta Eritrea waxaa sanadkii 2021 kusoo rogay maamulka madaxweyne Joe Biden, iyadoo lagu beegsaday militariga Eritrea, xisbiga talada haya ee People’s Front for Democracy and Justice, iyo saraakiil sare oo Eritrean ah.

Washington ayaa xilligaas sheegtay in tallaabadu la xiriirtay doorka Eritrea ee dagaalkii waqooyiga Itoobiya, halkaas oo ciidamadeedu ay garab siiyeen ciidamada federaalka Itoobiya ee la dagaallamay maamulka gobolka Tigray.

Dukomentiga ay Reuters aragtay ayaa sheegay in Mareykanku uu baabi’in doono amar fulineed oo Biden saxiixay, kaas oo saldhig u ahaa cunaqabateynta. Si kastaba, weli si rasmi ah looma shaacin waqtiga la qaadayo cunaqabateynta, mana jirin jawaab degdeg ah oo ka timid Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Wasaaradda Maaliyadda, Eritrea ama Itoobiya.

Dagaalkii Itoobiya ee 2020 ilaa 2022 ayaa noqday mid ka mid ah dagaalladii ugu dhiigga badnaa qarnigan, waxaana ku dhintay boqolaal kun oo qof, halka malaayiin kalena ay ku barakaceen. Ciidamada Eritrea ayaa lagu eedeeyay inay galeen dilal sharci-darro ah, afduubyo, dad la waayay iyo xadgudubyo ka dhan ah qaxooti Eritrean ah oo ku sugnaa Tigray.

Asmara ayaa muddo bilo ah beenisay in ciidamadeedu joogeen Tigray, balse markii dambe way qiratay joogitaankooda, iyadoo weli diiday eedeymaha xadgudubyada.

Tacaddiyada xuquuqda aadanaha  

Inkasta oo Mareykanku uu u muuqdo inuu doonayo dib-u-habeyn xiriir oo ku saleysan danaha amniga iyo istiraatiijiyadda, Eritrea weli waxay leedahay sumcad aad u liidata oo ku saabsan xuquuqda aadanaha iyo xorriyadda siyaasadeed.

Freedom House waxay Eritrea ku tilmaantay dowlad militari ku dhisan oo kali-talis ah, taas oo aan qaban doorasho qaran tan iyo markii ay xorriyadda ka qaadatay Itoobiya sanadkii 1993.

Ururku wuxuu sheegay in xisbiga PFDJ uu yahay xisbiga keliya ee dalka ka jira, isla markaana xarigga aan sharciga lahayn iyo adeegga qaran ee muddada dheer ay yihiin kuwo baahsan.

Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa dalka hoggaaminayay tan iyo madaxbannaanidii Eritrea, wuxuuna wajahaa eedeymo muddo dheer soo taagnaa oo la xiriira caburinta mucaaradka, warbaahinta madaxa bannaan iyo bulshada rayidka ah. Saraakiisha Asmara ayaa si joogto ah u beeniya eedeymahaas, iyagoo ku tilmaama olole siyaasadeed oo dibadda laga wado.

Fariin ku socota Itoobiya

Ka sokow isku dayga Washington ee ku wajahan Asmara, tallaabadan ayaa sidoo kale loo arkaa fariin loo dirayo Itoobiya, oo aan lahayn marin badeed tan iyo markii Eritrea ay madax-bannaani qaadatay 1993.

Itoobiya iyo Eritrea waxay soo mareen dagaallo qaraar, gaar ahaan dagaalkii xuduudda ee 1998 ilaa 2000, ka hor inta aysan 2018 heshiis nabadeed gaarin.

Hase yeeshee, xiriirka labada dal ayaa mar kale xumaaday kadib dhammaadkii dagaalkii Tigray. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa marar badan sheegay in dalkiisa uu xaq u leeyahay marin badeed, hadalladaas oo Eritrea iyo dalal kale oo gobolka ah u arkeen digniin qarsoon oo ku saabsan suurtagalnimada adeegsiga awood militari.

Eritrea ayaa bishii February si adag u beenisay eedeymo uga yimid Itoobiya oo la xiriiray gardarro militari iyo taageero ay siinayso kooxo hubeysan gudaha Itoobiya, iyadoo ku tilmaantay eedeymahaas kuwo “been abuur ah”.

Dokumentiga dowladda Mareykanka ayaa sheegay in Washington ay labada dalba uga digtay “doorka xasilooni-darrada ah” ee ay ku leeyihiin midba gudaha kan kale. Taas waxay muujineysaa in Mareykanku u arko xiisadda Itoobiya iyo Eritrea khatar ka weyn xiriirka labada dal, balse saamayn karta Badda Cas, Suudaan, Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Isbeddel ku dhisan dan  

Go’aanka Mareykanka ee ku aaddan qaadista cunaqabateynta Eritrea wuxuu muujinayaa isbeddel ka dhashay duruufo cusub oo amni iyo juqraafi-siyaasadeed ah. Washington waxay wajahaysaa gobol ay isku mar ka jiraan dagaalka Suudaan, xiisadaha Soomaaliya, hanjabaadaha marinnada badda, iyo cabsi laga qabo dagaal cusub oo ka qarxa Itoobiya iyo Eritrea.

Dhinaca Eritrea, tallaabadani waxay u noqon kartaa fursad ay kaga baxdo go’doon diblomaasiyadeed oo muddo dheer saarnaa. Dhinaca Mareykanka, waxay ka tarjumaysaa xisaabtan cusub oo ah in goobaha muhiimka ah ee Badda Cas aan looga tagi karin quwado kale, gaar ahaan xilli marinnada shidaalka iyo ganacsiga caalamka ay wajahayaan cadaadis kordhaya.

Si kastaba, qaadista cunaqabateynta ma tirtireyso su’aalaha adag ee weli ku xeeran Eritrea, kuwaas oo ay ka mid yihiin xuquuqda aadanaha, xukunka hal xisbi, adeegga militari ee muddada dheer, iyo doorka Asmara ee colaadaha gobolka.

Waxayse muujineysaa in Mareykanku, ugu yaraan hadda, uu mudnaanta siinayo amniga Badda Cas iyo xakameynta xiisadda Itoobiya iyo Eritrea, halkii uu si buuxda ugu adkeysan lahaa cadaadiskii xuquuqda aadanaha ee hore. 

- Advertisement -

Read more

Local News