Ankara (Caasimada Online) – Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa Khamiistii si rasmi ah u ansixiyay heshiis deeq taageero ah oo la siinayo dowladda Soomaaliya, xilli xildhibaanada dalkaas ay si weyn u bogaadiyeen iskaashiga sii ballaaranaya ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta ee kala dhexeeya xukuumadda Muqdisho.
Heshiiskan ayaa waxaa Soomaaliya lagu siinayaa deeq maaliyadeed oo gaaraysa 30 milyan oo doolar. Go’aankan ayaa ku soo baxay digreeto madaxweyne oo tirsigeedu yahay 11262, kaddib markii uu Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan saxiixay ansixinta heshiiskan 30-kii bishii Abriil.
Sida ku cad qoraalka rasmiga ah ee heshiiska, dokumiintiga ayaa 1-dii bishii Abriil lagu kala saxiixday caasimadda Muqdisho, waxaana dhanka Turkiga u matalayay Safiirka u fadhiya Soomaaliya Alper Aktaş, halka dhanka dowladda Soomaaliyana uu u saxiixay Wasiirka Maaliyadda, Biixi Iimaan Cige.
Heshiiska ayaa dhigaya in Turkigu uu Soomaaliya siiyo deeq lacageed oo gaaraysa illaa 30 milyan oo doolar, taas oo la bixin doono qaab qaybo bille ah oo aan ka badnayn 2.5 milyan oo doolar bishiiba. Qoraalka ayaa intaas ku daray in dhaqaalahan loo weecin doono taageerada “kabka miisaaniyadda iyo dhisidda awoodda hay’adaha dowladda.”
Baarlamanka ayaa sidoo kale ansixiyey in Turkiga uu bixiyo qarashka iyo dhulka safaarad cusub oo ay Soomaaliya ka dhisaneyso Ankara, oo ay ku baxeyso 6 milyan oo dollar.
Intii ay socotay dooda baarlamaanka, mudanayaal ka kala socday xisbiyada siyaasadda ayaa falanqeeyay kaalinta sii xoogeysaneysa ee Ankara ay ku leedahay Soomaaliya, halkaas oo ay tobankii sano ee la soo dhaafay ka noqotay maalgeliyaha iyo saaxiibka istaraatiijiyadeed ee ugu weyn.
Cemalettin Kani Torun, oo ah xildhibaan laga soo doorto magaalada Bursa kana tirsan xisbiga New Path Party, ayaa sheegay in dhoofinta badeecadaha Turkiga ee Soomaaliya ay gaartay 273 milyan oo doolar, halka maalgelinta tooska ah ee shirkadaha Turkish-ka ay kor u dhaaftay 100 milyan oo doolar.
“Tirooyinkan iskama ay imaanin si iskeed ah,” ayuu yiri xildhibaan Torun. “Waa miro-dhalkii ka dhashay dadaal muddo dheer soo socday oo ay dhinacyo badan iska kaashadeen.”
Wuxuu sidoo kale gaashaanka u daruuray eedeymaha sheegaya in joogitaanka Turkiga ee Soomaaliya uu yahay gumeysi ama in dalka la maamulo, isagoo caddeeyay in xiriirka Ankara uu ku dhisan yahay is-ixtiraam, is-dhaafsi faa’iido iyo siyaasad ah ‘is-biirsi iyo guul wadaag’.
Xildhibaanka ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda xasaasiga ah ee juquraafi-siyaasadeed ee Geeska Afrika, isagoo xusay in dhaqdhaqaaqyada Turkiga ee Soomaaliya, oo isugu jira ganacsi ilaa sahamin tamar, ay si weyn uga qayb qaadanayaan xasiloonida gobolka, isla markaana ay ka hortagayaan faragelinta shisheeye.
Dhinaca kale, xildhibaan Kamil Aydın oo ka tirsan xisbiga dhaqdhaqaaqa waddaniyiinta ee MHP, ayaa xusay in xasilooni-darradii iyo burcad-badeednimadii ka jirtay Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed ay muddo dheer halis weyn ku ahaayeen jidadka ganacsiga badda ee caalamiga ah.
Wuxuu tilmaamay in Turkigu uu door firfircoon ka qaatay heshiisyada caalamiga ah si loo taageero nabadda, amniga iyo kobaca dhaqaalaha Soomaaliya. “Kalsoonida iyo iskaashiga la kasbaday darteed, Turkigu wuxuu ku guuleystay inuu tallaabooyin wax-ku-ool ah oo heer laba geesood ah, heer gobol iyo mid caalamiba uu la qaado Soomaaliya,” ayuu raaciyay xildhibaan Aydın.
Si kastaba ha ahaatee, intii ay doodu socotay xildhibaanada mucaaradka ayaa dhaleeceeyay qaybo ka mid ah siyaasadda arrimaha dibadda ee Ankara iyo kharashaadka ku baxa gargaarka shisheeye. Ayyüce Türkeş oo ka tirsan xisbiga Good Party (IP) ayaa su’aal gelisay deeqaha baaxadda leh ee Turkigu ku bixiyo dibadda, xilli dalku uu wajahayo caqabado dhaqaale oo gudaha ah.
Taas beddelkeeda, xildhibaan Leyla Şahin Usta oo ah guddoomiye ku-xigeenka garabka xisbiga talada haya ee AK Party ee baarlamaanka, ayaa si adag u difaacday siyaasadda Turkiga ee qaaradda Afrika, iyadoo ku sifeysay mid salka ku haysa “saaxiibtinimo iyo walaaltinimo.”
“Turkigu wuxuu Afrika u joogaa inuu wax dhiso oo uu dayactiro,” ayay tiri Usta, iyadoo raacisay in iskaashiga Soomaaliya uu gacan ka geystay dhiirigelinta lahaanshaha maxalliga ah iyo horumarka guud ee qaaradda.
Ugu dambeyn, baarlamaanka ayaa si aqlabiyad ah ku ansixiyay heshiiskan deeqda ah kadib doodo dhaadheer oo halkaas ka dhacay. Fadhiga baarlamaanka ee go’aankan lagu meelmariyay ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiya magaalada Ankara, Danjire Fathudiin Cali Maxamed.

